WAR DEG DEG AH: Dabaal deg xoogan oo haatan ka socda magaalada Garowe

Kumanaan shacab ah ayaaa caawo isuguso baxay fagaaraha barxada ee magaalada Garowe, iyagoo u dabaal dagayay taageerada madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamo oo caawo ku guulaystay madaxweyanah Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo jiitay quluubta shacabka Soomaaliyeed iyadoo si siman guusha looga dabaal dagay guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna ahaa musharaxa kaliya ee haystay taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Si lamid ah  magalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo ee Puntland ayaa haatan waxaa ka socda dabaal deg xoogan oo lagusoo dhoweynayo doorashada madaxweyne Farmaajo.

Puntalndnews.net

 

 

Post Comment