WAR DEG DEG AH: Musharax miisaan culus leh oo goor dhowayd ka tanasulay doorashada madaxweynaha.

Musharax Sakariye Maxamuud Xaaji Xasan oo kamid ah ahaa murashixiinta u taagnaa madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhowayd ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay doorashada madaxweynaha.

Wuxuu sheegay waxyaabaha ku kalifay inuu ka tanaasulo  faro galin qaawan oo lagu sameeyay doorashada Soomaaliya, wuxuuna barlamaanka kula dardaarmay inay muujiyaan qaranimo iyo beeniyaan faro galintaas lagu hayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waa murashixii saddexaad ee iska casila doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale goobta isna ka hadlay Cabdiraxmaan Faroole oo isagana cadeeyay inuu ka tanaasulay doorashada.

Post Comment