WAR DEG DEG AH: Qorshihii Itoobiya u diyaarisay Xasan Sheikh Maxamuud oo fashilmay iyo Xasan Sheikh oo ku dhow inuu…..

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoonka barlamaanka Soomaaliya ayaa fashiliyay qorshe dowladda Itoobiya ugu talo gashay inuu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ku ogaado xildhibaanada u codeeyay iyo kuwa aan u codayn maadaama uu qarash badan bixiyay.

Guddiga doorashada iyo guddoonka barlamaanka iyagoo ka jawaabaya faro gelinta dowladda Itoobiya iyo baaqyada shacabka Soomaaliyeed waxay soo rogeen awaamiir culus oo ku saabsan inaan talefon iyo qalan Teknooljiyeed lala gali karin xarunta doorashada madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale lagu guulaystay in xildhibaanada codeynaya dhaqdhaqaaqooda si toos ah loola socda, iyadoo loo diyaariyay dhammaan qalabkii lagu codayn lahaa, xitaa wuxuu ku codeynayaa goob bannaan ah oo loo jeedo.

Arrintaan waxay dhabar jab ku ahaandoontaa qorshihii Xasan Sheikh Maxamuud ee ahaa inay xildhibaanada u codeynaya qaataan mobiladooda una sawiraan codayntooda iyo sidoo kale inay jeebka ku qaataan qalab sheegaya inu xildhibaanku u codeeyay Xasan Sheikh iyo in kale.

Puntkandnews.net

 

 

 

Post Comment