War deg deg ah-Weerar saaka aroortii lagu qaaday hotel kuyaal magaalada Boosaaso dhimashada oo gaartey..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar kooxo hubaysani ay saaka waaberigii ku qaadeen mid kamid ah Hotelada ugu waaweyn magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka helayno waxa ay sheegayaan in 4 ruux oo labo kamid ah ahaayeen kooxdii weerarka geysatey ay kudhinteen weerar dabley la rumaysan yahay inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab ay ku soo qaadeen Hotelka Village.

Weriye ku sugan Boosaaso ayaa Puntlandnews.net u xaqiijiyey in dableydu ay abaare 11:30 AM (Subaxnimo), isku dayeen inay Hotelka soo galaan haseyeeshee ciidanka ilaalada ah ee Hotelku ay ka hortageen labo kamid ahna dileen.

WWW.PUNTLANDNEWS.NET

Post Comment