WAR DEG DEG: Dhageyso: Madaxweynaha Soomaaliya oo caawo soo saaray baaq ku socda ciidamada Soomaaliya iyo shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in shacabka uu uga mahadcelinayo taageerada ay la garab taaganyihiin, waxaana uu Xildhibaannada uga mahadceliyay sida ay u fuliyeen rabitaanka shacabka.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed sida aad ii garab istaagteen iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo har iyo habeenba u taagan inay cadowga ka celiyaan shacabka, waxaan shacabka ka codsanayaa inay is dajiyaan oo ay guryahooda dib ugu laabtaan, waad muujiseen shacuurtiina iyo dareenkiina, wixii aad rabteen waad hesheen, waxaan idinka codsanaya inaad dib ugu laabataan guryahiina, oo aad la shaqeysaan laamaha amniga, si loo sugo guud ahaan amniga dalka” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee dalka.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in dhawaan uu jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo qorshaha u degsan, waxaana uu ciidanka ka dalbaday inay xoojiyaan amniga dalka.

Halkan ka dhageyso Khudbadda Madaxweynaha cusub.

 

One thought on “WAR DEG DEG: Dhageyso: Madaxweynaha Soomaaliya oo caawo soo saaray baaq ku socda ciidamada Soomaaliya iyo shacabka

  1. {DARDAARAN}
    Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbigiisa.
    Mudane kuu riyaaqnay walaakin kaligee waxaba inooma qaban kartin hadii aydaan adiga iyo xisbigaada aydaan si wada jir ah oo isku kalsooni-ah aydaan u wada shaqeyn sida Madaxweynaha Ruushka iyo xisbigiisa. Wallahi hadii ad u hungowdaan hantida magaca Umada walaalihiina Somaaliya sida kuwii idinka horey-yey marka laga reebo Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf”waad garaneysaan Aduuniyo aaakhiro waxaad mudan doontaan”Shacabka Soomaaliyedna ay mudan doonaan Dunida guudkeeda. 30 sano ku dhow ayaan ku soo jirnay Ciqaab Rabaani ah oo inagu aan Gamcaheena ku kasbanay, ma Cidbaa inagu soo duushey waa maya. Inaga ayaa is dulunay walina ma heynu kuwii kaa horeyyey Cid tiraahda ka daaya ha la Dumiya mooyaane. Mudane Farmaajo adiga iyo xisbigaada waxaa Umada Soomaaliyeed idiinka fadhidaa in aad soo cilisaan, Dalkii, Diintii, Dadkii, Deris wanaag, iyo Derejadii Somaali-weyn Dunuda ay ku laheyd. Dadkeenii Wallahi Debad iyo Guda intaba Cis kuma heystaan,,hanti kasta oo ay heysaan…Allah ha idin garansiiyo.Nuh

    Reply

Post Comment