Wararkii ugu dambeeyey ee weerarkii Hotel Village Boosaaso khasaaraha iyo cidda la beegsaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee weerar koox hubeysan ku qaaday magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ku dhacay Hotelka Village oo ku yaala dhinaca Koofur Galbeed ee magaalada.

Laba nin oo hubeysay ayaa la sheegay inayu weerarka ka dambeeyeen, waxaana weerarkoodu ku bilowday iyagoo toogasho ku dilay laba ka mida ilaalada hotelka.

Ciidanka ilaalada Hotelka iyo dableyda ayaa lasheegay inuu dhexmaray dagaal daqiiqad socdey oo sababay inay dhintaan labo kamid ah ilaalada iyo dhowr kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hotelka uu deganaa gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, iyadoona ay halkaas ku dhinteen labo kamid ah ilaaladiisa.

BOOSAASO

Ciidamo badan oo gurmad ah ayaa xiray aagga hotelku ku yaallo, iyadoo xaaladda magaalada ee saaka ay tahay mid kacsan. Meydadka labada nin ee dableyda ah ayaan weli la aqoonsan.

Post Comment