XASAASI-Puntlandnews oo xog ka heshay weerarkii hotelka village yaase deganaa oo la beegsanayey.

Inta la xaqiijiyey lix ruux ayaa ku geeriyootey weerar saaka aroortii dabley hubaysani ku soo qaadeen hotelka Village ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Lixda ruux ee dhamatay ayaa kala ahaa 2 askari oo ahaa ilaalada Cabdisamad Maxamed Gallan, labo kamid ah ilaalada Hotelka iyo labo kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno ayaa sheegaya in hotelka la weeraray degan  yihiin mas’uuliyiin Puntland ah, kuwa ka socda dalal Carbeed, Cabdisamad Maxamed Gallan iyo dad shacab ah.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay maydadka labada ruux ee kamid ahaa ragii weerarka soo qaaday, inkastoo dowladda Puntland weli ka hadlin arrimahaasi.

Post Comment