XOG-Xaaladda oo isbedeshey Sh Shariif Cosoble iyo CCC oo isu yimid saaka iyo Xasan Sheekh oo bixiyey lacagtii.

Wararka hadda ina soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Musharraxiinta kala Ah C/qaadir Cosoble, Shariif Sheekh Axmed  iyo Cumar Cabdirashiid ay ku kulansan yihiin Magaalad Muqdisho gaar ahaan Hoyga Sharma’arke.

Musharraxiinta ayaa yeelanaya Kulankoodii ugu dambeyay ee Maalinta Doorashada iyadoo hadda loo diyaar garoobayo Tartanka Madaxweynaha oo Muqdisho lagu qabanayo.

Warar aan helnaya ayaa inoo xaqiijiyay in Seddaxda Musharrax ay uga wada hadlayaan Arrimaha Doorashada oo si adag uga wada hadlayaan iyo sidii loo xoojin lahaa isbaheysiga.

Cosoble iyo Shariif Sheekh Axmed Ayaa la sheegaaa in ay wadar ahaan heystaan in ka badan 145 Xildhibaan oo hadii ay isku geeyaan uga gudbi karaan Wareegyada ugu horeeya Ee Doorashada.

DHANKA KALENA

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ahaa bixiyey qarashkii ugu badnee ebed ee lagu iibsado codadka xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Lacag bixinta xildhibaannada oo gaartey illaa waabarigii saakay ayaa wararku waxay sheegayaan in Xasan uu iibsaday codad gaaraya 200 oo mudane.

musharax-1

 

Post Comment