BREAKING NEWS: Madaxweyne Gaas oo si degdeg ah uga dhoofaya Muqdisho kadib markii…..

Muqdisho 9 February 2017:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaalada Qardho ee caasimada Gobolka Karkaar.

Mudane Gaas oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u amba baxo magaalada Qardho.

Wararka lagu kalsoon yahay ee aynu ka helayo Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu rabo inuu ka qeybgalo Aaska la doonayo in loo sameeyo Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Gen, Cadde Muuse) oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Lasoco wararka kasoo kordha safarka Madaxweynaha Puntland.

Post Comment