Daawo-Labo ruux oo sababta ugu weyn u ahaa guushii Farmaajo iyo kaalintood+sir xasaasi ah.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maalintii shalay ahayd ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana taasi ay keentay in shacab badan farxo.

Hadaba su’aasha meesha taallay ayaa ahayd yaa sabab u ahaa Ilaaheey kasokoow inuu Farmaajo guuleysto, sideesa ahaayeen xildhibaannada markii hore ee ay howlka doorashada soo galayeen.

Xildhibaannada iyaga markii hore musharraxiin kale ayeey kala taageersanaayeen, waxaana musharrax walbo uu haystay codad ku filan balse Labo shaqsi ayaa howsha dhan bedalay inta aaney doorashada bilaaban.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa khudbad ku furay kulankii doorashada, waxaana uu  u sheegay in dadkaan maalinta qiyaamo xisaab sugeyso, islamarkaana ay eegaan halka ay danta ku jirto (Farmaajo)

Halkan Ka Daawo

Waxa uu Sheekha u sheegay in xildhibaannada lagula xisaabtami doono haddii ay soo doortaan cid aan bulshada wax u qaban karin, ama cid ah daneysato.

Shaqsiga Labaad ayaa ahaa musharrax Sakariye Xaaji Maxamuud oo xildhibaannada ugu baaqay iney doortaan Farmaajo si dadban, ayna ka leexdaan Xasan Sheekh.

HOOS KA DAAWO

Sakariye wuxuu yiri “Kheyrka Allaha na waafajiyo, maanta isha ii muuqata xildhibaanno, waxaad dooran doontaan shaqsi dalkaan wax badan u qaban doona” bal eeg waa fariin ah isbedalka hala tijaabiyo.

One thought on “Daawo-Labo ruux oo sababta ugu weyn u ahaa guushii Farmaajo iyo kaalintood+sir xasaasi ah.

  1. Saxiibayaal waxaan qabaa in xildhibaan wadani ah in uu ku yaryahay xildhibaan nada somalida . Arinta kale waa qormada puntland gormuu ahaan jiray farmaajo ninka wax ka badalikara somalia xageese ka timid in farmaajo halyeey yahay wadani ah waxaan qabaa farmaajo hadii uu wax qabanayo ama uu wadani yahay majiro qof somaliya in uusan nabcaayn waana lala shaqaynnayaa haduusan asagu xumaan ? looge looba jooge

    Reply

Post Comment