DEG DEG-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo waraan lafilayn ka soo saaray doorashada Farmaajo ee dhabar jebisey.

Hailemariam Desalegn, ra’iisul wasaarraha dalka Itoobiya ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliyamudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa tartanka madaxweynaha kaga guulleystay Xassan Shiikh Maxamuud oo xilka ka sii degaya, islamarkaana ay si aad ah u taageereysay dowladda Ethiopia.

Hailemariam, ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay si dhow ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo sida uu hadalka u dhiggay ay arrinatani wax badan ka faa’idayaan shacabka labada dal.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa Xassan Shiikh Maxamuud ku ammaanay sida uu ugu daallay inay guul ku soo dhamaato doorashada hoggaanka sare ee dalka.

Hailemariam oo la hadlayay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, ayaa sidookale sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada hormarka ayna ugu dambeyn guulleysan doonto.Waa sida uu isaga sheegaye’.

hailemariam_desalegn-newpm

Post Comment