DHEGEYSO-Wararkii ugu dambeeyey ammaanka Madaxweyne Farmaajo, Jawaari oo war culus ku dhawaaqay iyo ciidanka…

Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho xalay waxa ay u aheyd Habeen wanaagsan, maadaama la doortay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay taagersan yihiiin.

Xalay Muqdisho waxaa la riday Rasaas aad u fara badan, taas oo markii hore ay dad u maleynayeen Dagaal toos ah, balse ay aheyd oo keliya Dabaaldeg, waxaana wadooyinka Muqdisho isugu soo baxay shacab aad u fara badan, taas oo sababtay in la kala garan waayo Ciidamada iyo dadka rayidka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shacabka kala halay Warbaahinta Dowladda ayaa ku baaqay in xaalada la dejiyo si Rasaasta Ciidamada ay ridayaan aysan u geysan waxyeelo, isagoo sidoo kale aad u amaanay Ciidanka Ammaanka, oo ka hortagay in ay dhacdo Arbushaad xilliga Doorashada.

DHEGEYSO

Post Comment