War deg deg ah-Kadib doorashadii Farmaajo qarixii ugu horeeyey oo kadhacay bartamaha magaalada..

Wararka ka imaanaya Magaalada Buur hakaba ee Gobolka Baay waxaa ay sheegayaan in qarax xoogan uu ka dhacay Magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo sida naloo sheegay ay fariisin jireen Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

ku dhawaad 5 Askari ayaa la xaqiijiyay in Qaraxaasi ay ku dhinteen iyadoo tiro intaa kabadan ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo isugu jira Militeri iyo Boolis ayaa goobta gaaray iyagoona sameeyay Howlgal balaaran inkastoo aan la ogeyn cid ay ku soo qabteen.

Post Comment