WAR DEG DEG AH: Ganacsatada Muqdisho oo ku dhawaaqay war farxad leh kadib doorashadii Farmaajo

Ganacsatada sariflayaasha magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay jabiyeen qiimaha sarifka dollarka, kadib doorashadii madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa Puntlandnews u xaqiijiyay in qiimaha halkii dollarka lagu sarifanayo 16 kun oo shilin Soomaali ah, halka uu markii hore ka ahaa 22 kun oo shlin Somali ah.

Tilaabadaan ayaa haddii ay sii socoto waxay faa’ido weyn u tahay shacabkii Soomaaliyeed ee dhibaatada ku qabay sicirka bararka lacagaha qalaad waxayna sidoo kale faa’ido u tahay inuu qiimo yeesho shilinka Soomaaliga.

Waxaa la filayaa in tilaabadaan mid lamid ah laga dhaqan galiyo gobolada kale ee dalka.

Putlandnews.net

 

 

Post Comment