WAR DEG DEG AH: madaxweyne Xasan Sheikh oo xabsiga u taxaabay taliyihii ciidanka booliska Soomaaliya General Xaamud..

Muqdisho 10 February 2017:- Wararka nagasoo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu madaxweyneynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud xabsiga dhigay Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud

Taliyaha Booliska ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday Amar uu siiyay Madaxweynaha aan Xilka weli laga wareejin ee Xasan Sheekh Maxamuud  kaas oo aan weli baaritaan ku heyno waxa uu quseeyay.

Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud Taliyiha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa la xasuustaa intii ay socdeen Ololaha Doorashada Madaxweyne in uu ku dhexmilmay Arrimaha Siyaasadda , kadib markii taageero indho la’aan ah uu u ballanqaaday Madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud taas oo hadal heyn badan dhalisay, waxaana loo arkaa Amar Diidaan uu uga horyimid Amarka Madaxweyne Xasan Sheekh  mid uu Kalsooni kaga raadsanayo Madaxweynaha Cusub.

Maxamed Xasan Xaamud ayaa  ka mid ah Shaqsiyaadka ay aadka isugu dhow yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo ay aad siyaasad ahaan isaga soo horjeedaan Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandnews.net

Post Comment