WAR DEG DEG AH: SAWIRRO: Dowladda Puntland oo soo tarxiishay maxaabiis looga shakisanaa Shabaab iyo tahriibayaal lagu qabtay Garowe. halkee loo tarxiilay?

Dowladda Puntland ayaa dhulkeeda kasoo masafurisay maxaabiis looga shakisanaa Alshabaab inay katirsan yihiin, kuwaas oo dhawaan lagu qabtay howlgallo kala duwan oo laga sameeyay magaalada Caasimadda ah ee Garowe.

Baaritaan kadib ayaa maxaabiistaan loosoo tarxiilay dhinaca Galmudug, kadib markii lagu eedeeyay inay si sharci darro ah kusoo galeen gudaha Puntland, qaarkoodna ay ahaayeen tahriibayaal doonayay inay doon ka raacaan magaalada Bosaso iyadoo kusii jeeday Yemen.

Dowladda Puntland ayaa dagaal xoogan kula jirta Alshabab iyo Daacish, waxayna ilgaar ah ku haysaa dadka kasoo safraya gobolada konfureed ee Soomaaliya, kuwaas oo inta badan loo xagliyo inay yihiin kuwa loo adeegsado falalka argigixisada ee argigixisadu soo maleegaan.

DSC01425 DSC01426 DSC01428 DSC01434 DSC01438 DSC01439 DSC01442 DSC01443 DSC01452 DSC01455 DSC01461

Puntlandnews.net

 

 

Post Comment