WAR DEGDEG AH: Madaxtooyada Somaaliya oo haatan bililiqo xoogan ay ka socota

Wararka nagasoo gaaraya madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kaadiriinta Damul jadiid oo ka faa’idaysanaya muddada xil wareejinta Xasan Sheikh ay bililiqo xoogan ku bilaabeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo aargudanaya guul darradii xooganayd ee Damul jadiid kasoo gaartay doorashadii madaxweynaha.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in dhammaan shaqaalahii madaxtooyada ee daacada u ahaa Danul jadiid kuna caan baxay aflagaadaynta iyo handadaada dadka dhaliilsanaa Xasan Sheikh ay haatan si dhuumaalaysi ah uga baxsanayaan magaalada Muqdisho iyagoo boob xoogan ku haya hantida madaxtooyada.

Inkastoo Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa ay horey u boobeen hantidii madaxtooyada tiilay iyo hantidii kale ee ummadda Soomaaliya dhaxalkeeda lahayd oo lagu galay doorashadii ceebtu kasoo raacday, ayaa hadana waxaa lasii boobayaa xoogaagii yaraa ee madaxytooyada ku haray.

Puntlandnews.net

 

 

 

Post Comment