BREAKING NEWS: Madaxweyne Farmaajo oo isugu yeeray madaxweynayaasha maamul goboleedyada kana dalbaday inay miiska soo saaraan

Muqdisho 11 february 2017:-  Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa kulmay , inkastoo kulankooda saxaafadu aysan goob joog aheyn, hadana markii uu shirka soo dhamaaday qaar ka tirsan madaxda gobolada oo u waramay warbaahinta waxay sheegeen in laga wada hadlay wada shaqeyn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay madaxda gobolada in ay garbihiisii yihiin isagoo sheegay in ay kala shaqeeyaan isbedelka taariikhiga ah , dhinaca kale madaxda maamuladu waxay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub si uu uga dhabeeyo balan qaadkiisii.

Shirka waxa joogay madaxda maamulada, Puntland, Galmudug, Hirshabele iyo Koonfur galbeed, waxaa ka maqnaa madaxweynaha Jubaland oo aan isagu muqdisho joogin.

Puntladnews.net

Post Comment