Daawo-Ninkii bulshada ku qabsaday Farmaajo iigeeya oo madaxweynaha lakulmay+balanqaad.

Wiil dhalinyaro ah oo si weyn ugu soo caan baxay Muuqaal laga soo duubay isaga oo taageeraya Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo ayaa si weyn u qabsaday baraha Bulshada gaar ahaan Facebook iyo Youtube.

Cabdulahi Maxamuud Cismaan(Daanyerow) oo ah Beeraley kunoolaa magaalada Jowhar ayaa kamid ahaa dadkii dabaal dega usoo baxay markii Farmaajo loo doortay xilka Madaxweynaha , waxa uuna wiilkan kusoo caan baxay Ereyada ah ” Ar Farmaaja ii Geeya, Ar Farmaajo Ma ii geysiinoo, Ar Xamar Lug ha la iigu geeyo Jeenan Xumaa I qabatayee”

Dhalinyaradii dhinac socotay wiilkan ayaan dhankooda u jiibinayay hadalkiisa iyaga oo oronayay ”Waa laguu geynaa Farmaajo, Muuqaalkan ayaana noqday mid qabsaday baraha Bulshada si weyna dadku u daawadeen.

DAAWO

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdulaahi Daanyeerow hada uu soo gaaray magaalada Muqdisho lana qorsheenayo in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo uu horey dalbaday in uu la kulmo, waxaana arintan si weyn usoo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed.

Post Comment