DEG DEG-Alshabaab oo ooda ka qaaday maxaabiis ay gacanta kuhaysay kuna dhawaaqday

Kooxda Al-Shabaab ayaa xabsiyada ay ku leeyihiin Shabellaha Hoose ka sii daayeen Dad Maxaabiis u ahaa kuwaas oo ay ka qabqabteen Deegaano ka tirsan Degmooyinka Gobolkaas.

Al-Shabaab ayaa dadka ay sii daayeen waxaa ay gaarayaan 175 Maxaabuus kuwaas oo xiliga laqabanayay ku howlanaa Jarista Dhirta dhuxusha laga shido.

Warar ayaa xaqiijinaya in Al-Shabaab weli ay xabsiga ku hayaan rag ka mid ah ganacsatada dhuxusha oo ka mid ah ragii maalgelinayay jarista dhirta ee deegaanada Shabellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in sii deynta dadkani ay ugu wacantahay kadib markii ay ka soo wacyi galiyeen Xaalufinta ay ku hayaan Dhirta.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegay in ay deegaanadooda ka mamnuuceen in dhirta deegaanka la jaro welibana laga shido dhuxl laga ganacsado.

Post Comment