DEG DEG-Banaanbaxyadii ugu cuslaa oo maanta ka socda Muqdisho iyo sababta.

Wararka ka imaanaya Muqdisho waxaa ay sheegaaan in Dibadbax balaaran oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulllahi Farmaajo uu ka socanayo halkaasi.

Dibadbaxan ayaa waxaa soo abaabulay Maamulka Gobolka Banaadir waxaana dadka ka soo qeyb galaya ay ka kala imaadeen Degmooyinka Kala Duwan ee Gobolka Banaadir.

Waxaa dibadbax sidoo kale ka soo qeyb galay Masuuliyin ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Gobolka Banaadir.

Wariyaasheena ku sugan Magalaada Muqdisho waxaa ay intaa ku darayaan in hadda dibadbaxa uu bilawday kaas oo kumanaan qof ay isugu yimaadeen Taalada Dal-jirka.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa ah Mid iska caadi ah mana jiraan wadooyin Xiran iyadoo dadka iyo gaadiidka ay Magaalada si caadi ah u kala gooshayaan.

One thought on “DEG DEG-Banaanbaxyadii ugu cuslaa oo maanta ka socda Muqdisho iyo sababta.

  1. asc walaal waan ku salamayaa mr qore iyo bahada puntland news waxaan idiin soo jeedinlahaa inaad joojisaan dacayada aad u sameeyneeysaan .waxa alla iyo wixii keenay iska horimaadka madaxada iyo shacabkaba. dalkaan dadxun baa ka buuxa oo gafanayaal aha oon u diirnaxayen dad iyo dal toona .oo fiirsanaya dantooda gaarkaa. Muqdisho waa hooyga laga fashiliyo dowaldaha somaaliya cidkastana waa ogtahay , marka ha ku cawiinina ee dhankiina shaqada ka galoo dalka waxa ka dhisa .waxayaabo kale oo badan oo fiican ood qorikartaan baa jira si ldalkaanloo deji kacasan. isku deya .waad mahadsantihiin waqtiga aad geliseen inaad akhrisataan qoraalkeegaan yar ww wb.

    Reply

Post Comment