WAR DEG DEG AH: DAAWO Puntlandnews oo ogaatay halkii loo waday gaarigii waxyaabaha qarxa siday iyo qorshaha laga lahaa

Gaalkacyo 11 february 2017:- Deegaanka Beyra ee gobolka Mudug waxaa shalay galinkii dambe lagu qabtay gaari xamuul ah oo siday waxyaabaha Qarxa iyo afar nin oo watay qaraxyadaan.

Hadaba, warbaahinta Puntlandnews oo xiriiro kala duwan la sameysay saraakiisha amniga ee ayaa ogaatay in qaraxyadaan loo waday magaalada Bosaso, iyadoo ujeedada laga lahaa ay ahayd in lagu weeraro meelo Alshabab bartilmaameed u ahaa.

Meelahaas waxaa kamid ah,xarumo dowladdeed, hotelo, maqaayado iyo goobo kale oo cayiman.

Inkastoo Alshabab bilihii ugu dambeeyay ay magaalada Bosaso ka geysanaysay dilal qorshaysan, ayaa haatan waxay doonaysaa inay adeegsato weeraro qaraxyo ah oo ay ku geysato waxyeelo intii hore ka weyn.

 

16651799_1644619868888285_254932150_n 16683150_1644619968888275_1783421119_n 16683211_1644619852221620_957223662_n 16683362_1644619858888286_381018531_n 16684652_1644619985554940_509418315_n 16684897_1644619408888331_191109676_n 16700005_1644619695554969_510568269_n 16700099_1644619732221632_577862678_n 16706778_1644619398888332_72336687_n 16729742_1644619378888334_883108514_n 16729971_1644619775554961_1469160635_n

Puntlandnews.net

 

 

 

 

Post Comment