War deg deg ah-Malayshiyaad aad u hubaysan oo Galkacyo lagu arkay iyo dhufaysyadii la burburiyey oo saaka dib loodhigay.

Magaalada Galakcyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in saaka lagu arkay malayshiyaad hubaysan oo dhufaysyo samaystay kana soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Maleeshiyaadkan ayaa ah kuwo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo dib u soo dhigay Dhufeesyadii Maalintiikhamiista ay qaadeen Shacabka labada dhinac.

Shacabka ayaana arrintan si aad ah uga carooday iyagoona sheegay in aysan dooneeynin in markale Magaalada Gaalkacyo ay kala xiranto oo colaad sokeeye aysan dooneeynin.

Waxaana saakay dhamaan xaninban isku socodka dadka iyo gaadiidka labada dhinac ee Magaalada oo labadii maalin ee la soo dhaafay u muuqday Mid soo hagaagaya.

Post Comment