XOG MUHIIM AH-Dowladda Turkiga oo Farmaajo ku wareejinaysa Diyaarado Tangiyal iyo hub culus.

Xog hoose oo ay heshay warbaahintu ayaa waxay sheegeysaa in dowladda Turkiga ay dhowaan madaxweyne Farmaajo kusoo wareejin doonto diyaarado dagaal, Taangiyo iyo sidoo kale hub badan oo ciidanka xoogga dalka la siinayo.

Mar madaxweyne Erdogan la hadlay Farmaajo waxaa loo sheegay in dalka isbedal badan ka dareemi doono, islamarkaana loo keenayo ciidamada cirka ee Soomaaliya sanadaha loogu tababarayey Turkiga.

Sidoo kale ciidamadan waxaa lasoo raacin doonaa diyaaradihii ay ku shaqeyn lahaayeen, iyadoo kuwa dhulkana Taangiyadooda lasiin doono si dib loogu soo celiyo awooddii Soomaaliya.

Turkiga ayaa taaageero dhan walbo leh la garab taagan dowladda Federaalka Soomaaliya, hase ahaatee taageerada hadda uu siin doono Madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid aad uga duwanaan doonta middii hore.

Post Comment