Daawo-Maxaa dhexmaray Farmaajo iyo Mr Daanyeerow “Ar Farmaajo iigeya”.

Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta ku qaabilay hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho Ninkii ku caan baxay (Farmaajo ii geeya).

Wiillkan oo magaciisa la yiraahdo C/llaahi Max’uud Cusmaan oo loo yaqaano Daanyeerow ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada oo la soo dhigay video laga duubay habeenkii dabaaldega guusha Farmaajo isagoo dhex socda magaalada Jowhar, kuna qeylinaya (AR FARMAAJO II GEEYA).

Waxaa ka shaqeeyay kulankan qaar ka mid ah howlwadeenada ololaha doorashada u qaabilsanaa madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala sheekeystay wiilkan xaaladiisa, isagoo balan-qaadyo kala duwana u sameeyey, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka wiilkan ka mid ahaa shacabkii taageerada u muujiyey.

maj_1 maj_3 maj_6

Post Comment