Dhalinyarada reer Puntland oo soo saaray warmurtiyeed ku socda madaxweyne Farmaajo

Shirka Taageerada iyo Talo-siinta Madaxweynaha iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wuxuu ka dhacay Xarunta Cilmi-baarista iyo Nabadda  (PDRC) magaalada Garowo 12.02.2017.  Waxaana Shirka soo qaban qaabiyey dhalinyari isla markaana waxaa kasoo qayb galay in ka badan 60 qof oo ka kala socota bulshada qaybaheeda kala duwan sida: Ururada Bulshada Rayindka ah, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada, Ardeyda Jaamacadaha iyo Xirfadleyda.

  • Shirku wuxuu u hambalyeeynayaa una ducaynayaa Madaxweynaha cusub ee shacbiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).
  • Shirku wuxuu u mahad-celinayaa labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida dareenka leh ee ay uga jawaabeen rabitaanka shacabka.
  •  Shirku wuxuu kula talinayaa Madaxweynaha JFS inuu soo magacaabo Raisul Wasaare ku sifoobey: daacadnimo iyo karti xeeldhee, kana bixi kara taalooyinkan hoos ku qoran.

Kadib dood kooxeed cilmiyeeysan wuxuu shirku ka tala bixinayaa arrimaha soo socda:

Amaanka & Dib-uheshiisiinta:

  • Shirku wuxuu garowsaday in ammaanka dalka aan lagu sugi karin ciidan ajnabi oo qura,sidoo kale mushkiladaha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin xal Soomaaliyeed,  sidaa awgeed waxaan madaxweynaha JFS iyo xukuumadda soo socota kula talinaynaa in juhdi badan la galiyo heshiisyo nabadeed oo lala galo kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda dawladda.
  • Shirku wuxuu u mahad-celiyey dawladaha soo diray ciidamada AMISOM, wuxuuse fahansan yahay in ay lagama maarmaan tahay in la dajiyo sanadkan guduhiisa istiraatiijiyaddii bixidda ciidamada AMISOM, taas oo ay kaw ka tahay dhisidda iyo tayeeynta ciidan qaran oo isku dhafan oo leh astaan qaran.
  • Shirku wuxuu kula talinayaa Madaxweynaha inuu ka dhabeeyo balanqaadkiisi ahaa “Barnaamijka Badbaadada Markhaatiga”, si ay bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirato ka hortaga dambiyada iyo la shaqaynta laamaha amaanka qaranka.
  • Shirku wuxuu kula talinayaa Madaxweynaha JFS in uu magacaabo guddi ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka oo xaliya colaadaha iyo isfahanwaaga ka jira goballada Mudug, Galgaduud, Hiiraan & Shabeelaha Hoose iyo degmada Buuhoodle.
  • Shirku wuxuu soo jeedinayaa in la sameeyo gudi qaran oo madaxbanaan oo ka shaqaysa nabadda iyo dib-uheshiisiinta, lana asteeyo maalinta nabadda Somaaliyeed.
  • In la taageero dawlad goboleedyada jira si ay u hantaan ammaanka.
  • In la sameeyo sanduuq taakulo maaliyadeed oo bulshadu ka qayb qaadato.
  • In la xoojiyo hay’adaha nabadsugidda iyo booliska lana dhiso anshaxa ciidanka.
  • In la sameeyo siyaasadda hub-kadhigista dalka.

Dhamaystirka Dastuurka iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Dawladda:

  • Shirku wuxuu garawsaday  inay lagama maarmaan tahay in xili hore lasii bilaabo dhamaystirka Dastuurka JFS si loo helo fursad loogu qaado afti dadweyne.
  • Shirku wuu ku talinayaa dhamaystirka hay’adaha heer fadaraal ee dastuuriga ah.
  • Waxaa sidoo kale muhiim ah in xili hore lasii bilaabo nidaamka dimoqraadiyaynta iyo furashada axsaabta siyaasadda.

Cadaaladda iyo Saraynta Sharciga:

  • Shirku wuxuu ku talinayaa in madaxbanaanida dastuuriga loo ogolaado hay’adaha garsoonka dalka.
  • Dhisidda iyo xoojinta maxkamadaha heer dawlad goboleed iyo heer federal, sidoo kale dhisidda maxkamad dastuuri ah.
  • Wada shaqaynta maxkamadaha wadanka iyo laamaha fulinta sharciga.
  • In la dhamaystiro xeerarka garsoorka.

Hormarinta Dhaqaalaha:

  • In la fududeeyo mashaariicda waaweyn ee  abuuraya shaqooyinka,
  • In la dhiirigaliyo ganacsiga yaryar iyo warshadaha.
  • In la hormariyo wax soo saarka badda, beeraha iyo xoolaha.
  • Dajinta siyaasadda heer qaran ee dakhliga dalka.
  • In la xadido lacagta adag ee dibadda nooga baxa sida qaadka IWM.
  • In laga shaqeeyo sidii laysugu dheelitiri lahaa dhoofinta iyo soodajinta (Import/Export)
  • In la xoojiyo shaqada baanka dhexe layskuna xiro bangiyada dawladda dhexe iyo state yada.
  • In deeqaha lagu jiheeyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
  • In la xoojiyo  nidaamka casriga ee maamulka maaliyadda dawladda lagana maamulo gudaha wadanka.
  • In la xakeemeeyo shaqaalaha ajanabiga ee laga maarmi karo.
  • In la dhiirigaliyo maalgashiga shisheeyaha.

16683899_1651417984874269_7758162656618755353_n 16684121_1651417674874300_5620741504902282026_n 16708519_1651418081540926_4363310096781632232_n

Puntlandnews.net

Post Comment