TOP NEWS-Dowladda Puntland oo war deg deg ah ku dhawaaqday kadib markii..

Maalinta Taaladada ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Boosaaso lagu Aaso Alle ha naxariiste Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland General Cadde Muuse oo dhawaan ku dhintay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdi Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Cadde Muuse Meydkiisa Talaadada laga soo dejin doono Magaalada Boosaaso ,islamarkaana loo sameyn doono Aas Qaran.

AUN Generaal Cadde Muuse oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidankii Xoogga dalka dowladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaa dhowaan ku geeriyoodey magaalada Dubai.

Post Comment