XOG CUSUB-Farmaajo oo mas’uul kamid ahaa xukuumaddiisii xilligii RW magiciisa+beeshiisa.

Warar hoose oo warbaahinta Muqdisho qaarkeed heshay ayaa sheegaysa in Saadaasha ra’iisul wasaaraha cusub ee soomaaliya loo Magacaabi Rabo Prof Cabdinuur Sheekh Maxamed.

Masuulkan ayaa horey uga tirsanaa Xukuumaddii Tayo ee Ra’iisul Wasaaraha uu ka ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uuna ka soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Sidoo kale Waxaa ay saaxiib dhow ay yihiin Madaxweynaha cusub waxaana Prof’C/Nuur uu ka soo jeeda Beesha Xawaadle oo ka tirsan Beelaha Hawiye isagoona hadda ah shaqsiyaadka loo badinayo in loo Magacaabi doono xilkaas.

Prof. Cabdiuur Sheekh ayaa hadda kusugan Dalka Mareykanka Balse Warar aan heleyno ayaana sheegaya in loo yeeray Prof Cabdinuur Sheekh Maxamed islmarkaana ku soo wajahan yahay Magaalada Muqdisho.

maxresdefault

Hadii Cabdiuur Sheekh loo magacaabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa meesha ka baxeyso damaca Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye oo iyaga dhexdooda Khilaaf iyo Loolan ka dhex curtay.

2 thoughts on “XOG CUSUB-Farmaajo oo mas’uul kamid ahaa xukuumaddiisii xilligii RW magiciisa+beeshiisa.

  1. Farmaajo haddii aan siiyo talo Soomaalinimo, Mid Daarood, mid Sade iyo teeydaba, waxaan dhihi lahaa. U dooro wasiirkaaga 1aad ninka ka soo jeedo beesha Xawaadle, isaga ayaa maamul kaga wanaagsan Mooryaantan Hiraab ee is garab yaaceeysa ee aanan tayada iyo taloba haaynine!! Allow talo ma ku siiyey!

    Reply
  2. Talo
    Madaxweynha Jamhuriyada Somalia waxaan oran lahaa mudane cidkasta oo ku qancisa maba kula shaqayn karta ciday doonto ha ahaatee waad dooran kartaa waayo danta dalka ayaa ka weyn danta gaarka ah ee beel iyo wax la mida marka kana fiirso cadaaladna ku salay sida adiga cadaalada aad ugu soo baxdey
    Mhad Sanid

    Reply

Post Comment