XOG-General Gabre oo dabin xun u maleegaya Farmaajo iyo warar sheegaya inuu…

Jeneraalka Itoobiyaanka ah ee ka niyad jabay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa hadda wada qorsheyaal badan oo uu ku hagardaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warbaahinta Puntlandnews.net xog ay heshay ayaa sheegeysa in Gabre uu durba bilaabay inuu raadiyo shaqsi lagu siro Farmaajo oo laga dhigo Ra’iisul wasaare.

Waxa uu doonayaa in beelaha xaqqa u leh Ra’iisu wasaare uu ka dhaadhiciyo shaqsi ay dowladda Itoobiya wadato in laga dhigo Ra’iisul wasaare sidaasi darteedna waxa uu wadaa galaangal iyo xiriir badan.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in durba Farmaajo uu ka war helayarrinkaasi islamarkaanna uu iska ilaalinayo cid walbo oo dhanka Itoobiya kaga imaan karto.

One thought on “XOG-General Gabre oo dabin xun u maleegaya Farmaajo iyo warar sheegaya inuu…

Post Comment