CONTACT US

War deg deg ah-Ciidankii huwanta ahaa oo ka soo cararay Camaara iyo cutubyo kategey Cadaado oo lala’yahay.

Ciidamada Maamulka Goboleedka Galmudug iyo kuwa Kumaandooska Danab ayaa lasoo sheegayaa inay isaga baxeyn Deegaanka Cammaara ee Gobolka Mudug kadib laba maalin oo ay halkaas ku sugnaayeen.

Ciidamadaan Huwanta ah oo wararka qaar sheegayaan inay la socdeen ciidamo caddaana ayaa dagaal culus Al-Shabaab kula galay duleedka deegaanka Cammaara lamana ogo sababta rasmiga ah ee keentay inay halkaas Faarujiyaan.

Ciidamadaan ayaa kasoo kicitimay Magaalada Gaalkacyo maalintii Isniinta aheyd kuwaas oo qorsheenayey inay xoog ku gaaraan Xarardhere halkaas oo ay ku xoogan yihiin Ciidamada Al-Shbaab.

Guddoomiyaha Degmada Cammaara Yuusuf Salaad ayaa ka dhawaajiyey inay laabashada ciidamadaan sabab u tahay inaan lagala tashan iyaga oo ah maamulka Degmada taasina ay keentay inay dagaalka ku fashilmaan.

Guddoomiyaha oo la hadlayey saxaafadda ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in ciidamadaan ay dib isaga baxeyn magaalada Duhurnimadii maanta isla markaasna wuxuu caddeeyey inay u dhaqaaqeen xaggaas iyo Hobyo.

Dhinca kale waxaa ilaa iyo hadda la garan la’yahay halka cirib iyo jaan dhigeyn ciidan tiro badan oo kasoo dhaqaaqay caasimadda kumeel gaarka ah ee Galmudug Cadaado kuwaas oo loogu talagalay inay dhinaca kale kasoo galaan degmada Xarardheere.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

muuqaalada

kasamayso1-300x167