TOP NEWS-Farmaajo oo helay ra’iisul wasaaraha cusub kuna xiray shuruudo shacabka kayaabsaday.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaarihiisa cusub marka isaga la caleemo saaro.

Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu shuruud adag uu hordhigay musharraxiinta u taagan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taasi oo dad badan aad uga yaabisey.

Waxyaabah uu soo hordhigay waxaa kamid ah inuusan nin ganacsade ama shaqooyin kale haysta aanu u dhiibi doonin xilkaasi, qofkana laga doonayo inuu ka madax bannaaan yahay shaqo kale.

In qofka xilkaan doonaya uu aqoon ahaan aad uga sarreeyo madaxweyne Farmaajo, yahay wadani daacad ah, sidoo kalena uu soo bandhigaa waxyaabaha uu shacabka usoo qabtay kahor xilkiisan.

Sidoo kale waxaa laga xisaabin doonaa qofka Ra’iisul wasaaraha laga dhigayo wax hanti ah ee uu hadda leeyahay, waxaa la xisaabin doonaa lacagta akoon ahaan u xarreysan, waxaana lala socon doonaa dhaq dhaqaaqyadiisa xitaa haddii xilkaasi uu qabto.

War hadda Garoowe naga soo gaarey iyo saldhigii qaybta booliska oo..

DEG DEG-Xaaladda oo kacsan iyo ciidamadii ugu badnaa oo saaka magaalada Galkacyo..

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. samsam says:

    Madaxweyne farmaajo wan kugu raacsanahay kugu nah taageersanahay go aanka aadqadatay madaxweyn jir oo joog cadowgaaga alè hajabiyo

  2. Hassan says:

    Waa loo bahan yahay in aad soo xusho RW wadani ah oo an dual citizen ahayn oo dal joog ah oo wadani ah




.

.