CONTACT US

WAR DEG DEG AH: Galmudug oo ku dhawaaqday inay kasoo horjeedaan ciidanka PSF Puntland ee duulaanka ku qaaday Xarardheere iyo dowladda Maraykanka oo ku dhawaaqday…

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan howgalka ay wada hogaaminayaan ciidanka la dagaalanka argigixisada Puntland ee PSF iyo dowladda Maraykanka, kaasoo lagu xoraynayo deegaamada Galmudug ee Shabaabku haystaan, si ammaanka gobolka loosoo celiyo.

Sargaal lagu magacaabo Xasan faarax kaarshe oo kamid ah saraakiisha Galmudug ayaa warbaahinta ka sheegay inuu maamulkooda diidan yahay howlgallada Puntland iyo Maraykanku ka wadaan koonfurta gobolka Mudug, wuxuuna sheegay inay cadaawad kala dhexayso PSF iyo Maraykanka.

Sargaalkaan wuxuu intaas ku daray in howlgalkaan lagasoo abaabulay saldhiga Maraykanku ku leeyahay garoonka diyaaradaha Gaalkacy, halkaas oo uu sheegay inay ahayd meeshii loogasoo duulay ciidankii Galmudug ee lagu duqeeyay deegaanka Jeexdin bishii julay ee sanadkii hore.

Dhinaca kale dowladda Maraykanka ayaa sheegtay howgalkaan inuu yahay howlgal qaas ah oo loogu talo galay in kooxda argigixisada ah ee Alshabab looga saaro Xarardheere iyo dhulalka ku dhow, waxayna sheegeen inay caawinayaan ciidamada PSF Puntland oo weerar xaga lugta ah ku qaaday koonfurta Mudug.

Puntlandnews.net

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Gantaan says:

    Been iyo hoohaa cidla ah badanaa war waxaan may xishoodaan wax laguna lab labooda ayeey dadka u soo qoraan ku lahaa ciidamada butlan hagaaminayo xarardheere may ciidamada idinka aad hogaaminaysaan ayaa xarardheere tagi karo oo dhulku waa dhul cidle ah oo sidaa rabtiin aad ka yeeli kartiin gaalkacyo ayaa joogi la adihiin oo maalin kasta qaacu idinka taluumayaa oo cabaadkiina laga joogi la ayahay oo aad ku haysaan maxay galmudug naga rabtaa marka xaniiyaha aad xarardheere ku aadaysid xageebaa ka keentay war waxaan ku leeyahay wax magaratada u sheeg kolay qof cali leh kaa dhageeysan maayee

  2. Gantaan says:

    Teeda kale marka xarardheere xoreeynaysid maa soo xoreeysid boosaaso iyo khardho iyo buuraha Galgate adeey alshabaab iyo daacishba kaa buuxdaaye t├Čisa meel u waaye tu kale ma kalkaalo horta gurigaaga soo hagaaji aad tu kale hagaajiside fan cidle ah hala taagnaanine meel walba adoo hilib bisil kala goon kain




.

muuqaalada

kasamayso1-300x167