WAR DEG DEG AH: Xasan Sheikh Maxamuud oo ku biiraya barlamaanka Soomaaliya kadib markii.

Madaxweynihii hore ee JFS,  Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka wareejinaya ayaa noqonaya Xildhibaankii u horeeyay ee ka tirsan Golaha Shacabka, inta uu nool yahay.

Sida ku cad dastuurka qodobkiisa 64aad farqadiisa 4aad (page 19) oo ogolaanaya in “qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa Xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil-ka- qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan.

Waxaa uu dheeraad ku yahay tirada Xildhibaanada golaha shacabka, maadaama yahay Madaxweyne lagu soo doortay Dastuur KMG ah, isla markaana soo hoggaamiyay dowlad rasmi ah.

Akhriso qodobka Dastuuriga ee uu Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu noquu onayo Xildhibaan Abadiya ah:

QODDOB-DASTUURI-AH

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

kasamayso1-300x167