XOG MUHIIM AH-Itoobiya oo hubkii ugu badnaa ku sii daabulaysa maxay tahay sababtu.

Dowladda Itoobiya ayaa diyaarado hub sida waxay ka dejisay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada, Hoose, waxaana arrintaasi ay keentay hadal hayn aad u badan.

Wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa dabagal dheeraad ah ku sameysay hubkaasi, halka loo wado iyo ulajeedka gaarka ah ee laga leeyhaya.

Xogta aynu helnay waxay sheegeysaa in hubkan uu qeyb ka ahaa balanqaad ay sanadkii hore dowladda Itoobiya u fulisay Jubbaland kaasi oo ku aadan in lagala qeybqaato xoreynta deegaannada Jubbaland.

Itoobiya ayaa dooneysa iney Jubbaand ka caawiso dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana bisha soo socota ee Marcsh iyo dabayqaada bishan bilaaban doona howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ali Bahl says:

    Mar waxan maqlaynaa Itopia waxay hubsiinaysaa Alshabaab. Saakana waxaad sheegaysaan Itopia hub ayay siinaysaa Jubaland si loogu baacsado Alshabaab.




.

.