Afhayeenka Xukuumadda Puntland oo jawaab kulul siiyey siyaasiyiin xukuumadda dhaliilay.

Afhayeenka xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan-jecel), ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedayn ay xukuumadda u jeediyeen siyaasiyiin reer Puntland ah.

Quraan-jecel ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay imbadan ka furfuran tahay xukuumadihii ka horeeyey, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhegeysiga aragtida bulshada.

Afhayeenku wuxuu sheegay in xukuumaddu ay imbadan u dhega nugu shahay shacabkeeda, islamarkaana madaxweynaha dalka ugu sareeya uu imbadan shacabka kadhegeystey aragtidooda haddana ay diyaar u tahay dowladdu inay u hogaansanto aragtidooda.

Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya xilli dhowaan rag ka soo jeeda deegaamada Puntland ay dhaliileen siyaasadda dowladda.

WAR DEG DEG AH: Daawo: War Deg-Deg Ah Cali Khaliif Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

WAR DEG DEG AH: Daawo Sida Xasan Sheikh iyo qoyskiisa uga guureen madaxtooyada iyo xaasaskiisa oo qaatay hantidii ugu badnayd.

Breaking news-Rag la rumaysan yahay inay Alshabaab katirsan yihiin oo hadda weerar ku qaaday ciidamo marayey.

FAALLO: Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo godob lama ilaawaan ah ka galay Beelaha Soomaaliyeed kamana haridoonto.

Post Comment