Daawo-Weriye soo bandhigay shirqool Itoobiya u dhigaysay Soomaaliya iyo halista soo wajaha.

Waxaa magaalada Muqdisho iyo daafaha Caalamka ka socda olol looga hortagaayo Gumeysiga muuqda ay Dowlada Ethiopia ku dooneyso inay ku xakameyso Siyaasada Somalia. Ololaha ayaa waxaa qeyb ka ah Weriyayaal rug cadaa ah oo ka dhiidhinaaya Gumeysiga ay Dowlada Ethiopia ku heysa Somalia ee aan aheyn mid u muuqda Siyaasiyiinta Soomaalida.

Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi oo kamid ah Weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa iftiimiyay dhibaatada ay Dowlada Ethiopia ku heyso Somalia iyo qorshooyinka ay iminka la damacsan tahay.

Waxa uu tusaale usoo qaatay sida ay Dowlada Ethiopia u dhaqan galineyso Gumeysiga iyadoo u mareysa dhanka maamul Goboleedyada dalka oo ku hanweyn inay la dhaqmaan Dowlada Ethiopia oo gumaad ba’an ku heysa Somalia.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA WERIYAHA IYO XOGTA

One thought on “Daawo-Weriye soo bandhigay shirqool Itoobiya u dhigaysay Soomaaliya iyo halista soo wajaha.

  1. Ayaanke walaale sida aynu ka wada warqabno dad badan oo inaga mid ah waxaa ka lumay Kartidtii iyo Karaamadii Rabaaniga.. waa Aduun Dib u xun, waayoo waxaad arkeysaa qofweyn oo masuuliyad loo idmaday oo Dalkiisii, Dadkiisii iyo Diintiisii hanti yar ku iibsanaya, misna Dalka dibadiisa u cararaya. Kheyr Allah ha kusiiyo laakin maanta dhamaanteen waxaa inlooga baahan yahay Hadal yar iyo Hawl-badan iyo Odayaasha aniga oo kale, oo qorax sii dhaceysa ah in aney dada soo koreysa la dhicin oo la iska illliyo.

    Reply

Post Comment