CONTACT US

Puntlandnews oo xogo muhiim ah heshay halis habeenkii 1aad soo wajahdey ammaanka Farmaajo iyo ciidamo xalay…

Waxaa xalay  si weyn loo adkeeya dadka soo galo madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu habeenkii ugu horreeyey isagoo madaxweyne ah ku hoyanayo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaa jidadka soo galo madaxtooyada lasoo dhigay ciidamo isugu jiro Boolis iyo nabadsugid waxaana si weyn oo taxadar leh loo baarayaa gawaariga shacabka iyo kuwa sida qaaska ah loo leeyahay ee halkaas isticmaalayo.

Dadka saaran baabuurta ayaa laga soo dajinayaa waxayna dhammaatood marayaan baaritaan shaqsi shaqsi ah sidoo kalana baabuurta yar yar ayaa si fiican loo barayaa iyadoo la hubinayo waxa saaran.

Tallaabadaani ayaa xogaha aanu helnay aya sheegayaaan inay timid kadib markii lahelayo warar sheegaya inay imaan karaan weeraro qorshaysan oo lala beegsanayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

muuqaalada

kasamayso1-300x167