War deg deg ah-Ciidanka dowladda oo dad shacab ah si arxan darro ah ugu dhex laayey magaalada..

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Askar ka tirsan Militeriga Soomaaliya rasaas ku fureen Dhalinyaro ku sugnaa Kaamka Badbaado oo ku yaala Degmada Dharkeenleey.

Warar ayaa sheegaya in Askartan ay doonayeen in dhac u geystaan Dukaan ay halkaasi ku leeyihiin Dhalinyadan murun dhex maray Militeriga iyo Dhalinyarada ayaa sababay in rasaas la huwiyo Dhalinyaradaas.

Ciidamada Militeriga ee falkaas naxdin-ta leh ka geystay Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in ay goobta ka carareen, Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Dharkeenleey.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

Shirkado Xariir Nala Leh