Chelsea vs Swansea City – Blues Oo Fursad U Heysata Dheereysato Hogaanka Horyaalka.

Chelsea ayaa heysata fursad weyn oo ay ku dheereysan karto dhibcaha ay ku heyso hogaanka horyaalka madama aysan ciyaari doonin kooxda kaalinta labaad ee Manchester City todobaadkaan.

Blues 8-dhibcood ayey ka horeysaa Citizens, kuwaas oo loo baajiyay kulankoodii Manchester Derby, sababo la xiriira in United ay Axadda ciyaareyso Finalka EFL Cup.

Si kastaba Blues waxey heysataa fursad fiican oo ay 11-dhibcood kaga fogaan karto kooxda kusoo xigta, waana sheeko ay u riyaaqi karaan maamulka iyo Jamaahiirta kooxda waase hadii ay guul ka helaan Swansea City.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Swansea City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

Garsoore: Neil Swarbrick (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

David Luiz iyo Marcos Alonso ayaa laga yabaa iney  kusoo laabtaan safka hore Chelsea, kadib markii labadooda la nasiyay kulankii FA Cup-ka ee Wolves.

Si kastaba, John Terry iyo Cesc Fabregas ayaa qudhooda dib ugu soo laaban kara kursiga keydka, waxaana macquul ah  in midkood la adeegsado kulanka berito.

Swansea City kabtankeeda Lo iyo Ki Sung-Yueng ayaa dhaawacyo kaga maqan kooxda Swansea City, mana usoo safrin London.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Swansea waxey shabaqa soo taabteen afar jeer, labadii kulan ee ay soo booqdeen Stamford Bridge, waana tiradii ay ka dhaliyeen 10-kii kulan ee ka horeeyay oo la mideeyay.

Diego Costa ayaa dhaliyay 7-gool, afar kulan oo uu wajahay Swansea City kulamada horyaalka, waana ina ka badan koox walba  oo kale oo tartankaan ciayareysa. waxaana ku jirta sadexley uu ka dhaliyay September 2014.

Gylfi Sigurdsson ayaa dhaliyay afar gool intii uu ka hor yimid Chelsea, waana kooxda ugu badan oo uu goolasha ka dhaliyay.

Fabregas ayey u noqon kartaa kulankiisii 300-aad ee horyaalka Premier League hadii uu ciyaaro, wuxuuna noqonayaa spanish-kii ugu horeeyay ee tiradaan gaara.

SAFKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Kante, Fabregas, Alonso; Pedro, Costa, Hazard

Swansea City:

Fabianski, Naughton, Fernandez, Mawson, Olsson, Cork, Carroll, Fer, Narsingh, Sigurdsson, Llorente

Post Comment