Atletico Madrid vs Barcelona – Balaugrana Oo Hogaanka Si Kumeel Gaar Ah Ula Wareegi Karta Caawa.

Barcelona ayaa dooneysa iney fiidnimada caawa ah si kumeel gaar ah ula wareegto talada horyaalka La Liga saacado kooban ayeyna heyn kartaa madama xiliga dambe ee caawa ay ciyaari doonto Real Madrid oo la ciyaareysa Villarreal.

Balaugrana kaliya 1-dhibic ayey ka hooseysaa Real Madrid oo lumisay fursad fiican oo ay kaga dheeraan kartay dhigeeda – waxeyna todobaadkii hore dhamaadkiisii guuldaro ka heshay Valencia.

Si kastaba Luis Enrique iyo kooxdiisa waxey marayaan tijaabo adag, sidoo kalana waxey u baahan yahiin iney cadeeyaan hadii ay tartanka horyaalka wali ku jiraan iyo hadii kale.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Atletico Madrid vs Barcelona

Tartanka: Horyaalka La Liga

Garoonka: Vincent Calderon

Saacadda: 6:15 Maqribnimo

Garsoore: Antonio Mateu (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Atletico Madrid ayaa dib u heleysa kabtankooda Diego Godin kaas oo dhaawac kaga maqnaa mudooyinkii ugu dambeeyay, sidoo kale waxaa kooxda ka maqnaan doona Tiago, Juanfran iyo Augusto Fernandez kuwaas oo wali aan ka bogsoon xanuunadii ay qabeen.

Andres Iniesta, Gerard Pique, Sergio Busquets iyo Arda Turan ayaa dhamaantood taam u wada ah kulankaan, Luis Enrique ayaana laga sugi doonaa cidda uu kusoo bilaabo kulankaan xilli macalinka reer Spain uu saaran yahay cadaadis xoog leh.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Atletico de Madrid ayaa guul gaartay sadexdii kulan ee ugu dambeysay la Liga, wali ma sameynin xagaagan iney afar jeer oo xiriir ah badiyaan.

Kulanka maanta wuxuu noqon doonaa kii 300-aad oo uu tartamada oo dhan maamulo Diego Simeone kooxda Atletico Madrid.

Antoine Griezmann ayaa dhaliyay sadex gool labadii kulan ee ugu dambeysay oo uu Barcelona ku wajaho garoonka Vicente Calderón, laba gool oo madax ah ayaa ka mid ah.

kaliya Sevilla oo uu ka dhaliyay 27-gool Lionel Messi ayaa ka badan Atletico Madrid madama uu ka dhaliyay 26-gool dhamaan tartamada oo dhan.

KULANKII UGU DAMBEEYAY:

Barcelona 1-1 Atletico Madrid – 7th February 2016 – Copa del Rey

Markii ugu dambeysay ee ay is arkaan labadaan kooxood waxey ku kala tageen 1-1, Sergi Roberto iyo Kevin Gameiro ayaana isku jawaabay, dhinaca kalana Yannick Carrasco iyo Luis Suarez ayaa laga saaray kulankas.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-3-3):

ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

Atletico (4-2-2-2):

Oblak; Vrjsalko, Godin, Savic, Filipe; Koke, Gabi; Saul, Carrasco; Griezmann, Gameiro

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.