Hordhaca Fiinaalaha EPL Cup Man United vs Southampton.

Manchester United ayaa u dagaalami doonta iney markeedii shanaad ku guuleysato koobka League Cup, halka Southampton ay isha ku heyso iney markeedii ugu horeysay ku guuleyato, si kastaba Jose Mourinho kooxdiisa waxey diyaar u yahiin iney ku guuleystaan koobkii labaad xagaagan madama ay horay u hanteen FA Community Shield.

Mourinho wuxuu raadinayaa koobkiisii 4-aad ee League Cup, labada kooxood ayaana goor hore soo gaaray magaalada London madama finalka uu marti galin doono garoonka Wembley Stadium.

Zlatan Ibrahimovic ayaa rajeynaya inuu koobkiisii 31-aad ee waayahiisa ku guuleysto madama 35-jirkaan heerka caalami uu 30-koob oo yurub ah hantay waayahiisa ciyaaraya.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Man United vs Southampton

Tartanka: EFL Cup/ Capital One Cup (FINAL)

Garoonka: Wembley  Stadium

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Andre Marriner (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Wayne Rooney iyo Michael Carrick ayaa diyaar u ah iney saftaan kulanka maanta ee finalka, balse Henrikh Mkhitaryan ayaa ka maqnaan doona Red Devils.

Kabtanka United Rooney ayaa waayay kulankii UEFA Eiropa League-ga ee loogu safray St Etienne balse taam buuxa ayuu u yahay kulanka fiidnimada caawa dhacaya, wuxuuna ka mid noqday ciyaartoydii usoo safartay London.

Phil Jones ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro kadib dhibaato uu ka qabo cagta, halka Ander Herrera uu kusoo laabtay kooxda kadib ganaax uu ku seegay kulankii Europa League.

Dhinaca kale Martin Caceres iyo Sofiane Boufal ayaa rajeynaya iney ka mid noqdaan kulanka, iyadoo daafacii hore Juventus ay macquul tahay inuu markii ugu horeysay kasoo muuqdo kooxda.

Si kastaba Virgil van Dijk, Charlie Austin, Alex McCarthy, Matt Targett iyo Jeremy Pied ayaa dhamaantood dhaawacyo ku seegaya kulankaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Southampton ayaa gaartay finalka League Cup markii labaad, waxeyna horay sidaan oo kale u sameysay 1979, markaas oo guuldaro 3-2 ah kala kulmeen Nottingham Forest.

Kani finalkii 9-aad oo ay Manchester United kasoo muuqato tartankaan, sideedii jeer ee ay horay u timid 4-ayey ku guuleysatay 4-na waa laga qaaday, bals sadex ka mid ah afarta jeer oo ay ku guuleysteen waxey yimaadeen sadexdii jeer ee ugu dambeeyay ee ay finalka tageen. (2006 v Wigan, 2009 v Spurs and 2010 v Aston Villa).

Kaliya Liverpool oo 12-jeer heysata ayaa ka badan Man United kasoo muuqashada finalka tartankaan madama ay 9-jeer kasoo muuqdeen, kaliya Arsenal oo 5-jeer qasaaro la kulantay finalka ayaana ka badan madama ay 4-jeer la kulantay iyana qasaaro (Red Devils).

Kaliya Brian Clough (4) iyo Alex Ferguson (4) ayaa ka guulo badan Jose Mourinho tartankaan League Cup, madama uu sadex jeer heyssto.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Southampton:

Forster; Cedric, Stephens, Yoshida, Bertrand; Romeu, Davis; Ward-Prowse, Tadic, Redmond; Gabbiadini

Manchester United:

De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Blind; Carrick, Pogba, Herrera; Martial, Ibrahimovic, Rashford.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.