FAALO MUHIIM AH-Waa maxay Nidaamka Federalku?

Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo awoodda dowladda dastuurka dalku u qeybiyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Maamul goboleedyadu waxay leeyihiin meekhaan maamul hoosaad ah, oo waxay haystaan xukun hoosaad ay gobolladooda ku maamulaan. Awoodaha ay ku shaqeeyaan dowlad goboleedyadu dowladda dhexe ma siiso. Awoodahooda waxay ka helaan dastuurka dalka u yaalla. Dowladda qaab kaan ah waxay ka duwan tahay nidaamka unitary ga kaasoo awoodaha dowladda oo dhan uu gacanta ugu jiro dowladda dhexe oo kaliya. Ma jiro nidaam dastuuri ah oo awoodaha u qaybiniya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada nidaamka unitary ga mid kaasoo ka duwan midka fadaraalka ah. Nidaamka fadaraalka ah awoodaha dalka lagu maamulo waxaa loo qaybiyaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah waddanka fadaraalka ah. Labada dhinac midkastaa awoodihiisa wuxuu ka helaa dastuurka dalka u qoran. Mid mid ku xad gudbikaraana majiro sababtoo ah sharciga dalka u dhigan baa xad dastuuri ah u sameeyey, awoodahooduna xudduud bay kala leeyihiin.

Habka dowliga ah ee kor ku qoran waddankii uu ka jiro waa dal fadaraal ah. Waa nidaam awooduhu u qaybsan yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Fadaraalku waa xeelad siyaasadeed oo lagu doonayo in la iswaa fajiyo midnimada qaranka, awoodaha oo la qaybsado, iyadoo la taageerayo xuquuqa dalka. Waana midnimada, jiritaanka dalka iyo awoodaha gaarka ah dowladda dhexe ee fadaraalka ah. Awoodaha dowladda dhexe ee fadaraalka ah gaarka u ah waa siyaasadda arrimaha dibadda, gaashaandhigga, dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta kaabashaaya dhaqaalaha (infrastructure). Maamul goboleedyada dalka fadaraalka uu ka kooban yahay ma rabaan in ay ka tanaasulaan awoodahooda dastuurku uu siiyey ama siinayo. Haddii ay awoodahooda dowladda dhexe siiyaan, xukun hoosaadkii baa meesha ka baxaya. Markaas waxaa imaanaya nidaamka unitaryga meeshana waxaa ka baxaya nidaamka fadaraalka ah.

Sidee buu ku yimaada nidaamka fadaraalka?

Nidaamka fadaraalka ah wuxuu ku yimaadaa labada qodob ee soo socota:-

  1. Waxaa samayn kara waddammo dhowr ah oo madax bannaan oo ah kuwo caalamku aqoonsan yahay ah, kuwaa soo ka tanaasula awoodahooda qaar ka mid ah si ay u helaan dowlad dhexe oo cusub ee iyaga ka dhaxaysa. Markii ay isku

darsamaan waxaa samaysmaya waddan weyn oo xoog badan, iyagana maamul hoosaad iyo mid kasta magac u gaar ah ayaa la siiyaa. Sidaas waxaa u samaysmay dalka Maraykanka 1789.

  1. Fadaraalku wuxuu kaloo ku yimaadaa markii waddan nidaamka unitaryga ah uu u kala burburo tiro maamul goboleedyo ah, kuwaa soo marka dambe iyagu isuyimaada kuna heshiiya nidaamka fadaraalka ah. Sidaas markii ay dhacdo waxaa dhasha dal fadaraal ah. Sidaasna waxaa ku samaysmay dalka Canada 1867.

Tilmaamaha ama astaamaha u gaarka ah Fadareeshanka.

  1. Awoodaha oo la Qabsado:

Dowlad goboleedyada fadaralku ka kooban yahay waxay raabaan in ay dano badan iyo maslaxooyin badan ka helaan dowlad ay wada leeyihiin oo u dhaxaysa, faa’iidooyin ay ku kifaaxaan bayna dowladdaasi u leedahay iyaga.Laakiin isla markaasna waxay ku dhagan yihiin kuna adkaysanayaan in ay haystaan magacyadooda iyo maamuladooda u gaarka ah. Fikarka fadaraalku wuxuu ku dhisan yahay in la haysto midow iyadoo midnimadiina khatar ku jirto. Sidaas daraadeed, awoodaha ayaa loo qaybiyaa dowladda dhexe iyo dowladaha maamul goboleedyada. Dowlad kastaa, fadaraalka ama dowlad goboleed, waxaa laga dhigay mid u madax bannaan sharciga inta loo xadeeyey. Mid kasta awood sharci iyo dastuuri bay leedahay, ay u madax bannaan tahay laakiin midda kale shuruucdeeda iyo xudduudeeda sharci ma fara gelin karro. Ma jiri karo fadareeshan ama fadaraal haddii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada awoodaha aan loo qaybin.

  1. Dastuur adag oo qoran:

Dastuurka fadaraalka ama fadareeshanka waa qoran yahay waana adag yahay. Illaa laga dhigo mid qoran, dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waxaa ka dhex dhici kara muranno ku saabsan xuduudaha sharci ee ay kala leeyihiin. Dastuurku waa inuu waliba ahaadaa mid adag oo aan sahal lagu beddeli Karin. Taas waxaa loola jeedaa waa in aan la ogolaan dastuurkaan in loo beddelo sida sahlan ee sharciyada caadiga ah loo beddelo.Habka loo beddeleyo dastuurka fadaraalka ah waa inuu ahaadaa mid adag. Baahidaan dastuurka fadaraalka inuu ahaado mid adag waxay ka soo baxday xaqiiqada ah haddii si sahlan dastuurka loo beddelo, waxaa yaraanaya awoodihii maamulada xukun hoosaadka haystey ama waxaaba meesha ka bixi kara dowladihii maamuladu ay la haayeen. Fadaraalkiina halkaas ayuu ku baaba ayaa. Maamul goboleedyadu waligood ma helaan kalsooni ah xukun hoosaadkooda in aan la faragelineyn ama meeshaba laga saareen haddii baarlamaanka fadaraalka dastuurka si sahlan wax uga beddeli karo. Sidaas awgeed, dastuurka waxaa loo arkaa muqaddes, marka waa inaan si fudud faraha loola gelin.

  1. Garsoor Awood Badan oo Madax bannaan:

Illaa markii la sameeyey fadareeshanka waxaa jira labo dowladeed, inkastoo dastuurku qeexo awoodahooda iyo xudduudadooda sharci ee ay kala leeyihiin, wali waxaa imaan kara muranno ama iskhilaafyo ka dhexkaca dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada ama waxay ka dhex dhikaan labo maamul goboleed. Sidaas darteeed, fadareeshan kastaa waxay leedahay maxkamad sare oo dastuuri ah fasirtana dastuurka fadaraalkaas, xalisana khilaafyada. Maxkamddaani waxay ilaalisaa dastuurka dalkaas fadaraalka ah. Maxkamaddaasi waxay ka ilaalisaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada awoodahooda in aysan siyaadsan. Shaqadaan waxaa qaban kara oo ka mira dhalin kara waxaa weeye garsoor awood badan, madax bannaan, oo dhex dhexaada, kaas oo kali ah baa muranada sharci ee fadaralka xalin kara.

  1. Baarlamaan laba gole ka kooban:

Nidaamka fadaraalka baarlamaanka qaranku wuxuu ka kooban yahay laba gole. Dadka dalka fadaraalka ah guud ahaan iyo maamul goboleedyada wakiillo u gaar ah baa mid kasta geestiisa loo siiyey. Aqalka sare wuxuu wakiil ka yahay maamul goboleedyada. Aqalka hoose wuxuu matalaa dadka waddanka fadaraalka guud ahaan. Golahaan waxaa loo sameeyey ama loo abuuray dadka halkaas degan ee dalkaas u dhashay oo dhan. Golaha odayaasha ama aqalka sare wakiil wuxuu ka yahay maamul goboleedyada tiro isle’eg baa dowladaha goboladu ku leeyihiin.Tusaale ahaan dalka Maraykanka dowlad goboleed kastaa labo qof iyada matala ayey u dirsataa, kulana leedahay golaha senate-ka, iyadoon oo eegeen baxaadda gobolkeeda iyo tirada dadka halkaas degan.

  1. Madax Bannaanidii hore ay u Haysteen meeshey ka baxaysaa:

Dalalka ku midowbay halka dal ee fadaraalka ah ee iyaga dhexeeya, waxay lumiyaan madax bannaanidoodii hore sababtoo ah midow goodaa wuxuu abuuriyaa dal ama waddan cusub, kaasoo noqonaya mid madax bannaan.

  1. Fadareeshanka ama fadaraalka waa la sameeyaa:

Fadareeshanka ma koro laakiin waa la sameeyaa.Dalal madax bannaana oo dowlad nimadooda haystey baa waxay ku heshiiyaan iney hal dal noqdaan, sidaas ayey ku sameeyaan fadaralka fadareeshankuna ku samaysmaa. Koris ama wax hoosta laga soo bilaabay samays ku yimid aha.

  1. Midow Rasmi ah oo Joogto ah:

Astaan taan ama muuqaalkaan baa ka duwa fadareeshanka konfadareeshanka. Konfadareeshanku waa midow jilicsan oo kooban oo waddamadu samaystaan. Laakiin fadareeshinka waa midow rasmi ah oo joogto ah.

Dhanka nidaamka Uniteriga aan eegno:

Nidaanka uniteriga waa mid keliya kaasoo awooda sare ee xukuumiga ah ama dowladda dastuurka dalku uu siiyo dowladda dhexe oo keliya, taasoo dalka oo dhan xukunta. Si

maamulka iyo shaqaduba habsami ugu socdaan waxaa dalka loo qaybiyaa Gobollo, gobolladaas waxaa loo sameeya maamul.Maamulada gobollada waxaa madax looga dhigaa gudoomiyaal gobol, degmooyinka gobollada hoos yimaada waxaa madax u noqda godoomiyaal degmo. Dowladda dhexe maamulada gobollada waxay siisaa awoodo ay wax ku maamulaan. Awoodahaas gobollada la siiyay waa kuwo kooban, kuwaas oo loo kordhin karo, laga yareyn karo, lagana qaadan karo markii la rabo. Sababtoo ah, goballadu xukun hoosaad ma haystaan nidaamkan awoodaha oo dhan dowladda dhexe gacanteeda ayey ku jiraan.

Dadka maamulaya gobollada dowladda dhexe ayaa magacaabata waana wakiiladeeda meelahaas u jooga. Nidaamkan Unitaryga ah, awoodaha dalka oo dhan waxay gacanta ugu jiraan xukuumada dhexe. Gobollada iyo maamuladooduba waxaay toos u hoos yimaadan dowladda dhexe ee waddanka, waxayna isticmaashaa awood sare, iyadaana leh awoodaha ugu dambeeya ee dalka. Nidaamkan hadda aan ka hadlayno dalkii leh dastuurkiisu ma ahan mid sare oo adag. Dowladaha Engiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Iiraan, Beljim, Japan, Masar, Denmaag, Giriiga, iyo Kenya ayaa ka mid ah waddamada nidaamkan uniteryga ah ku dhaqma.

Aan dib ugu noqono nidaamka Federaalka:

Faa’iidooyinka nidaamka fadaraalka ah uu leeyahay.

  1. Umidowbid si nabad ah oo ikhtiyaar ah samaynta dal xoog leh derti:

Fadareeshanku ama fadaraalku wxuu u suuro geliyaa dalalka yar yar in ay u midoow baan si nabad ah oo ikhtaar ah si ay u noqdaa dal weyn oo xoog badan. Waqtigaan casriga ah waxaa u muhiim ama daruuri ah waddani yar yar iney isku biiraan ama isku darsamaan si ay u noqdan midow aad u xoog badan, si ay iyagu isaga difaacaan gardarada lidka ku ah iyo in ay miisaan ku yeeshaan arrimaha caalamka.

  1. Horumarinta Ilaha Dhaqaalaha:

Dowladda dhexe ee fadaraalka ah waxay gudataa waajibaad loo xadadey fulintooda loona igmaday, maamul goboleedyada kala duwan> ee fadaraalka waxay awoodaan in ay keydiyaan dhaqaale badan, iyagoo yareynaya tiro waaxyadooda maamulka ka mid ah.Tusaale ahan dowlada goboleedyada waxaa laga qaaday dhaqaalihii dhanka militariga iyo diblomaasiyadda kaga bixi lahaa. Dariiqaan fadareeshanka wuxuu u suura galinayaa dalalka yaryar in ay ilahooda dhaqaale si wanaagsan u horumariyaan, markii ay ku midoow baan nidaamka fadaraalka ah.

  1. Isu keenid midnima qaran iyo xukun hoosaad:

Nidaamka fadaraalka ah wuxuu isu keenay midnimo qaran iyo xukun hoosaad. Sidaas darteed wuxuu aad ugu haboon ama ugu fiican yahay dalalka waaweyn sida Mareykanka,

Indiya iwm. Gobollada kala duwan ee dalalka noocaan oo kale ah, waxay si weyn ugu kala duwan yihiin luuqadda, dhaqanka, diinta, iwm., waxayna leeyihiin baahiyo kala duwan oo dhaqaale iyo siyaasad ah. Nidaaamka fadaraalku dowlad goboleedyada wuxuu siinayaa xukun hoosaad, dowlad weyn oo fadaraal ah oo gobolada ka dhaxaysana way jireysaa. Nidaamkaani wuxuu iswaafa jiyey dowlad dhexe ee qaran iyo maamul goboleedyo, gobol walbaa arrimihiisa hoose ku maamusho, raalina uu ku yahay.

  1. Shaqadoo qaybsan:

Nidaamka fadaraalka waxuu ku shaqeeyaa mabda a shaqo qaybsi. Dadka maamul goboleedyada baa si sahlan waxay u xaliyaan dhibaatooyinka heerka goboleedka ah. Aad bay ugu adag tahay dowladda dhexe ee fadaraalka in ay si fiican wax uga qabato dhibaatooyinka noocaan oo kale ah. Dowladda dhexe waxay wax ka qabataa dhibaatooyinka muhiimadda heerka qaran leh. Arrintaan shaqooyinka lagu qaybinayo waxay keentaa in maamulku si fiican u shaqeeyo.

  1. Jawi Dimoqraadiyadeed:

Fadaraalku arrimaha heer gobol wuxuu hoos geeyey maamul goboleedyada. Arrintaani waxay dhiira gelisaa in la daneeyo waxyaabaha guud ee bulshada. U dhiibidda masuuliyadda dadka degan meelaha dowlad goboleedyada, muuliyaddaasi waxay iyaga siisaa tababar faa’iido u leh oo muwaadilnimo ah ama waddaninimo am. Sidaas daraadeed, Fadaraalku wuxuu caawiyaa gacanna ka geestaa dimoqraadiyaddu in ay shaqeyso.

  1. Fikrad ama aragti ah caalamka oo dhan fadareeshan inuu noqdo;

Xoogaa taageera yaasha fadaraalka waxay sheegaan mabaadiida nidaamka fadaraalka ah inuu faa’iido u yeelan karo caalamka oo dhan haddii hal fadareeshan laga dhigo.Caalamka oo hal dal ah, baa waxay dhaheen,lagu dhisi karaa mabaadiida dowlad nidaamka fadaraaalka ku shaqeysa.Xukuumad guud dal noocaan oo kale ah waxay wax ka qabaneysa dhibaatooyina ka guud ee kala duwan ee dalalka adduunka, isla mar ahaantaas waxaa lasiinayaa waddamada caalamka xukun hoosaad buuxa oo arrimahooda adduunka ah. Dal caalamka oo dhan wuxuu awoodi doonaa wadidda midnimada iyo nabadda caalamka.

  1. Ku Fiicnaansho aad ah oo bulshada casriga ah:

Bulshada casriga ah waxay noqoneysaa mid adag oo aan si sahlan lagu fahmi Karin, adeeg gooduna uu yahay mid soo kordhaya oo dhib badan iyo kala wudanaansho weyn oo dhanka dhaqaalaha, arrimaha bulshada, diinta, dhaqanka, garashada, shaqooyinka iyo dano kaloo badan. Arrimahaan oo dhan waxaa si sax ah loo ilaalin karaa markii dalku uu ku dhisan yahay fadaraal.

Waxyaabaha faa’iida darada ah ee Fadaraalku leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, dalka fadaraalka a ceebo iyo cillado badan ayuu leeyahay.

Waana kuwaan hoos ku qoran:

  1. Siyaasadda Arrimaha Dibadda waa mid jilicsan:

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka wax ka qora arriamaha fadaraalka, waddanka fadaraalka ah ma awoodo in uu fuliyo ama uu ku dhaqmo siyaasad adag oo arrimaha dibadda ah. Siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka fadaraalka ah ma aha mid adag ee waa mid jilicsan. Sababtu waxaa weeye dowlad goboleedyadu waxay leeyihiin awood ay sharciyo ku sameeyaan, si sahlan bayna dowladda dhexe waji gabax ugu sameen karaan, waxayna diidayaan in ay ansixiyaan sharcigii loo baahnaa in lagu hirgelino heshiis dowladda fadaraalka ay soo gashay. Dowladda dhexe ee Mareykanka inta badan wayku adag tahay in ay hirgeliso siyaabihii lagu fulin lahaa heshiiskii ay gasho.

  1. Jileec Arrimaha Gudaha ah:

Fadareeshanka ama fadaraalka wax qabadkiisaa arrimaha gudaha waa mid jilicsan marka la barbar dhigo nidaamka unitaryga. Awoodaha oo la qaybiyaa fadareeshanka dhexdiisa waxay dowladda dhexe u keentaa tabardarro iyo wax qabasho la’aan. Dhanka kale waddanka ama dalka unitaryga ah awoodaha oo dhan waxay ku aruursan yihiin oo la isugu geeyey gacmaha dowladda dhexe.

  1. Dastuur Adag:

Fadareeshanka dastuurkiisuu badanaa waa mid adag oo aan si sahlan wax looga beddeli Karin. Natiijaduna waxay noqoneysaa dowladda dalku in ay wax ka qaban waydo xaaladaha isbeddelaya, arrimo iyo duruufo mar walba imaanaya oo u baahan in wax laga qabto iyi in lala socon waayo waqtiyada isbeddelaya. Dalka Mareykanka kuntonka dowlad goboleed ee ay leedahay toban iyo saddex ka mid ah(13) waxay diidi karaan soo jeedin kasta oo dastuurka wax looga beddelayo.

  1. Kharashaad Badan:

Dowladda fadaraalka ah way ka kharash badan tahay midda nidaamka kale ee unitaryga ah. Labo nidaam dowladeed baa ka jira dalka fadaraalka ah dhexdiisa. Dowlad goboleed kasta oo ka tirsan waddanka fadaraalka waxay leedahay baarlamaan, gole fulin iyo maxkamadihii garsoorka.

  1. Waqtiyada oo dhan awooduhu si sax ah kuwo loo qaybsaday ma noqon karaan:

Awoodaha oo loo qaybiyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taa soo sal u ah fadareeshanka ma ahaan karro mar walba qaybsi sax ah. Si kastoo, qorshaha hadda ee qaybsiga awooduhu uu u yahay mid sax ah oo dhammaystiran, ma ahaan karo mid saadaaliya baahiyaha, dalabyada, fikradaha iyo isbeddelada mustaqbalka. Wax hadda loo arko in ay muhiim u tahay gobol ama muhiimideedu tahay heer gobol

baa barito waxay yeelaneysaa muhiimad heer qaran. Laakiin dowladda qaranku ma heli karto awood cusub iyadoon dastuurka wax laga beddelin ama garsoorku uusan fasirin. Dastuurka si dhaqsa ah wax loogama beddeli karo sababtoo ah wuu adag yahay, fasiraadda garsoorkuna waa mid gaabis iyo hawl iska daba wareegeysa ah.

  1. Khatar Kalago:

Dowlad goboleedyada uu ka kooban yahay fadareeshanku waxa laga yaabaa in ay damcaan ama daneeyaan iney ka go’aan fadaraalka, sababtuna waxay tahay khilaaf soo kala dhexgala dowladda dhexe ee fadaaralka iyo mid ka mid ah dowlad goboleedyada ama khilaafyada iyo cabashooyinka mar walba ka dhex jira dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dalka fadaraalka iyo dowladda fadaraalka, kuwaa soo ku saabsan luuqadaha, dhaqanka, diinta, jinsiga iyo kala duwanaashaha dhaqaale. Maamul goboleed kastaa wuxuu leeyahay dowlad iyo dastuur gaar u ah. Jenjeersiga xagga go’iddu aad bey u xoog badan tahay fadareeshanka gudihiisa marka la barbar dhigo dalka unitaryga gudihiisa. Sidaas daraadeed, dalka fadaraalka ah waxaa muuqda khataro kala go iyo midnimo la’aan. Khatar taan oo kale mar bay halis gelisey soona wajahdey Switzerland 1847 iyo Mareykanka 1861. Tusaale ahaan khatar taani waxay u horseeday East Pakistan oo hadda ah Bangladesh in ay Pakistan ka godo 1971.

Konfadareeshan:

Konfadareeshan waxaa lagu qeexi karaa koox ama urur labo dal ama in ka badan oo dalal madax bannaan kuwaa soo si joogto ah qayb ka mid ah xoriyaddooda dhiiba, iyadoo laga leeyahay ujeeddooyin iyo dano gaar ah.

Konfadareeshan wuu ka xoog badan yahay isgaashaan buureysi waddamada xorta ah dhexdooda ah, laakiin wuxuu ka hooseeyaa midowka fadaraalka. Konfadareeshanka heerkiisu wuu ka jilicsan yahay nidaamka fadaraalka. Konfadareeshan wuxuu yimaadaa markii hab lagu heshiiyey lagu sameeyo xukun ka dhaxeeya dalalka samaystay nidaamkaan. Waddamada uu ka kooban yahay konfadareeshanka xorriyaddoodii iyo madax bannaanidoodii ma dhiibaan. Urur kooda kama soo baxo dal cusub. Ururkaan dalalka leh wuxuu u qabtaa shaqooyin kooban oo kala ah iskaashi dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo gaashaandhigga.

Waddamada konfadareeshanku ka kooban yahay markii ay rabaan way ka bixiraan ururkoodaan.

Gaba Gabadii:

Nidaamka fadaraalka ahu faa’iidooyin iyo khasaarooyin intabada waa leeyahay. Dadka wax ka qora fadaraalka qaar ka mid ah baa waxay qabaan faa’iidooyinkiisu in ay ka badan yihiin khasaarooyinkiisa. Laakiin markii la fiiriyo nidaamka fadaraalka ah waxaa soo baxaysa inuu ku habboon yahay dalalka waaweyn ee dadkoodu kala duwan yihiin meelo badan. Sida luuqadaha, diimaha, dhaqammada iyo qoomiyadaha. Wuxuu faa’iidooyin badan u leeyahay dalalka waaweyn ee dhiyac yadaas badan ku kala duwan. Laakiin faa’iido umalaha waddamada yar yar gaar ahaan dalkii dadkiisu isku luuqad yihiin, isku diin yihiin, isku dhan yihiin isku dadna yihiin.

W/D:- AXMED CABDDIRAXMAAN SHIIKH NUUR, SENIOR DIPLOMAT,

WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA EE JFS.

Post Comment