CONTACT US

UEFA Oo Rajada Kooxaha Spain Ee Quarter Finalka Qiimeysay Iyo Barcelona Oo Heshay Qiimeyn (0%), Maxaa Lagu Qiimeyay Real, Atletico Iyo Sevilla?

Iyadoo ay jirto in Barcelona ay dooneyso iney taariikh ku hor sameyso indhaha qof walba oo kubadda cagta ah marka ay gurigeeda kusoo dhaweyso Paris Saint Germain todobaadkaan hadana UEFA ayaa aaminsan in gabi ahaanba aysan jirin wax rajo ah oo ay sidaas ku sameyn karto.

Ma dhicin taariikhda tartankaan in koox lugta hore ee Champions League looga adkaaday 4-0, ay kasoo kabato isla markaana ay usoo baxdo wareega xiga ee tartanka.

Si kastaba Luis Enrique kooxdiisa waxaa hor taala caqabad wen waxeyna isku diyaarin doontaa iney Camp Nou kusoo dhaweyso Paris Saint Germain oo magaalada Paris kusoo silcisay dhawaan.

UEFA oo salka dhiganeysa tixraac hore ayaa soo saartay baaritaan ay (0%) boqolkiisa ebar kusiisay Barcelona iney ugudbi karto wareaga xiga ee tartanka, waana iney xidigaha PSG ka joojiso gooldhalinta sidoo kalana ay dhiraan dhiriyaan goolal la mid ah ama ka badan kuwii laga soo dhaliyay kal hore.

Waxey dhacday 58-jeer sidaan oo kale, balse ma jirin koox ka badbaada, inkastoo Barcelona iyo Jamaahiirteeda ay aaminsan yahiin iney 8-da March dhigi doonaan taariikh weyn isla markaana ay “Mission Impossible” ka dhigi karaan “Mission Possible”

Dhanka kale UEFA baaritaankeeda waxaa lagu sheegay in Real Madrid ay heysato fursadda ugu fiican kooxaha Spain madama la siiyay 98.8% iney soo bixi karto, halka Atletico la siiyay 96.6% madama ay si fudud kaga gudubtay kooxda Leverkusen, ha iloobin in 51.1% la siiyay Sevilla.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

kasamayso1-300x167