CONTACT US

Hay’adda waddooyinka PHA ee Puntland ma noqotey mid ka soo baxdey ujeedadi loo kenay W/Q Sharmaake Keenadiid

Maqaalkan oo aan ugu magacdaray Xogta-Dahsoon waxa aan kaga hadli doonaa fashilka qaar ka mid ah hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Puntland.

  • Ninkii goommanaan jirey haddii guulle wax u dhiibo
  • Gadaal wax uma fiirshoo hawaa geysa meel darane
  • Cidna uma gargaaroo faqruu gocan abidkiise
  • Gacalada tolkiyo dabakannaax yow garnaqi doonaa

Waa tix uu lahaa Abwaan / aqoonyahan / feyklasuuf / qoraa / hoggaamiye Cismaan Keenadiid.

Qoraalkan oo ah mid ku saleysan xaqiiqada, aan arkeyna inuu mudan yahay oo waqtigiisii la joogo, waxaan kaga faalloon doonaa Hay’adda Puntland u qaabilsan waddooyinka ee PHA. Waxaan ka afeefanayaa oo caddeynayaa in aysan qoraalkan iga keenin xanaaq, laab-lakac, aargoosi iyo dhaleeceyn toona.

Asaaskii NESHA

Aun. Eng Caydaruus Cismaan Keenadiid markii uu dalka dib ugu soo laabtey sagaashameeyadii, waxa uu bilaabey inuu ku shaqeeyo aqoontiisii isagoo ku sugnaa gobolka Bari. 1996dii ayuu engineerku sameeyey tiginkana u aasey hay’ad ka shaqeysa jidadka Puntland oo aan xilligaas jirin, una bixiyey North Eastern of Somalia Highway Authority (NESHA), dhowaanse loo beddeley Puntland Highway Authority (PHA). Hay’addaas oo uu isagu gaar u lahaa (Private Institution), waxay ku guuleysatey iney wax badan ka qabato arrintii ay ku magacawneyd oo ah dhismaha iyo dayactirka jidadka Puntland, iyadoo boorka ka jaftey howlo ay goor hore ugu dambeysey in la qabto, rajadii dadkana dib usoo celisey. Maamulkii xilligaas taladu gacanta ugu jirtey ayuu kula heshiiyey in qoondo lacageed loo jaro si hay’adu u fuliso howlaheeda iyadoo ay xusid mudan tahay in ay maalgalinayeen EU iyo USAID. Ka dib markii la asaasey dhidibadana loo taagey Puntland, ayuu ku wareejiyey dowladda oo waa la qarameeyey.

Tolow maxay ahayd ujeedkii uu kalahaa hay’adda iyo aasaaskeeda? Ma maal doon buu ahaa mise magac doon?

Hooyo Sahra Maxamad Aadam ayaa ii sheegtey sidatan: “Waxa uu ku shaqeynayey qol yar oo ay yaallaan kursi iyo miis oo uu weheliyey laptopkii uu isticmaalayey, isagoo subax waliba halkaas u jarmaadi jirey. kolkaasaan weydiiyey “Caydaruus maxaad isku dhibeysaa oo kugu jirrabey arrintan?”, kolkaasuu i yiri “Maalin un ayaa laga yaabaa iney meel kasoo baxdo oo dadka wax tarto.

Si kastaba ha ahaatee, ma rumowdey  riyadii Caydaruus ku taamayey iyo rajadii uu qabey, xaggeese wax ku dambeeyeen?                                                                                                             Waa arrin laga yaabo in la moog yahaye, hay’adu gebi ahaanba wey  fashilantey waxayna ku mashquushey dano kale iyo uruursiga hantida ummadda iyadoo garab martay ujeedkii dadka reer puntland u wakiisheen.

Hay’adda ayaa waxaa hareeyey :-

  • Eex, qabyaalad iyo ninjecleysi aan geedna loogu gabban, iyadoon ognahay sida ay badi shaqaalaheedu ku yimaadeen meesha
  • Tayo xumi, khibrad la’aan iyo tababar la’aan dhanka shaqaalaha ah oo aad u saameysey
  • Waxqabad la’aan , iyadoo sida la ogyahay hay’addu qoondo lacageed (levy revenue) oo gaar ah ay ku leedahay dekedda Bosaso ayna kasoo xeroodaan malaayiin dollar. Balse hay’adda shaqadeedii ayaa isugu biyo shubatey meelo ciid laga buuxiyo, kormeer aan waxba ka sii hooseyn, ee ma aragno jidad iyo laamiyo ay dhiseen oo lagu taami karo, oo malahayga waa “Qowda maqashii waxna ha u qaban”.
  • Musuqmaasuq : musuqa iyo wax-isdabamarinta ayaa gaarey halkii ugu sarreysey abid inta la xasuusto, iyadoo musuq iyo nidaam aan sharci ahayn lagu bixiyo qandaraasyada. Dhowaan ayey ahayd markii la musuqmaasuqey mashruuca dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo ay si wada jira u hoggaaminayeen wasaaradda howlaha guud, PHA iyo shirkad laga leeyahay dalka Germany oo la yiraahdo GIZ. Mashruucan oo qeyb ka ahaa New-dealka ayaa Soomaaliya loo qoondeeyey 20,700 milyan oo Euro, waxaana Puntland kusoo aadey 9 milyan oo Euro.                           Madaxwynaha Puntland ayaa 2016 u magacaabey xiriiriyaha mashruucan nin qurbo joog ah oo ay saaxiib iyo qaraabo dhowba yihiin oo lagu magacaabo risaaq Axmed Aadam, ujeeddaduna ahayd in si toos ah looga maamulo xarunta qaranka ee madaxtooyada.

Musuqu intaas kuma koobna, waxaa la lunsadey qalab ay bixiyeen hay’adaha caalamiga ah sida ILO, sheybaarro loogu talagalay dhismaha jidadka, waxaase kasii daran in la xaraashtey gaadiid ay hay’adu leedahay, balse markii dambe hantidhowku soo celiyey, dacwad ka dhan ahna u gudbiyey xeer-ilaalinta, balse markii dambe toos looga farageliyey madaxtooyada lana joojiyey.

Sannadihii 2014 ilaa horraantii 2016, waxaa madaxtooyada laga soo wacayey Eng. Caydaruus, si uu ugu soo noqdo shaqada. Inkastoo ujeeddadu ayan aheyn inuu wax qabto ee ay ka xannibantay lacago badan oo Engineerku la sixiixdey hay’ado caalamiya, hay’adahaas oo sheegey iney u gudbinayaan ciddii la saxiixatey heshiiska, taasina ay ku kalliftey maamulka Gaas majaraha u hayo iney Caydaruus raadiyaan, asii ay ku hungoobeen candhuuftoodana dib u laqeen. Waxaa kaloo igu maqaalo ah in meesha la keeney dad ku jooga magacii iyo mansabkii Eng. Caydaruus oo lagu naas-nuujiyo.

Isku soo wada duuboo, dadkii soo maray maamulka hay’adda badankood ayaa waxay ka sinnaayeen iney ahaayeen dhiig-miirato baahi weyn u qaba xoolaha ummadda, kuna takri faley awooddooda , waxaan maqli jirey “Ninkii ilaahey xoolo la maago dadkeedu siiyaa”.

4th Mar ayaa digreeto C.weli Gaas soo saarey looga qaadey xilka gudoomiyihii joogey Max’ud C.nuur Aadam. Isla 7thMar xilka ayuu ku wareejiyey ku-xigeenkiisii, waxaanse leeyahay “ Hal xaaraana nirig xalaala ma dhasho, oo waxba ma dhaami doono kuwii hore inuu ka liito mooyee. Waxaase intaas ka yaab badan ineysan Caydaruus xusin, kana abaal-dhaceen oo xittaa allaha u naxariisto aysan oran, oo waxaanba is iri in lasoo hadal qaadaa wax laga fiican yahay ayey ahayd.

Waa qalinkii: Sharmaake Keenadiid

Mahadsanidiin dhammaan akhristayaasha.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

kasamayso1-300x167