CONTACT US

18 kadib maxa Dowladda Puntland u qabsoomey W/Q Sharmaarke Yare.

sababta loo sameeyay maamulkaan wuxuu ahaa si loo badbaadiyo shacabka reer Puntland, Maamulka puntland aad ayuu uuga duwan yahay maamulka kale ee somaliya ka jira, sido kale puntlan waxaa la yiraahda waa hooyada Faderaalka dadka ku dhaqan Puntland waa dad Soomaalinimada ku dheer tahay, Madaxweynihii ugu horeeyay ee puntland woxoo ahaa Cabdullahi Yuusuf, waxaa ku xigay Maxamed Abdi Xaashi waxaa ku xigay Cade Muuse waxaa ku sii xigay Cabdiraxmaan Maxamuud faroole, Hadana waxaa xilka hayya Cabdiwali Maxamed Cali ”Gaas”.
Dhismihii Dawladda
Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goboladan, ayaa waxaa la go’aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso maamul dowlad goboleed. Islamarkaas waxaas ku soo biiray Gobolada Sanaag iyo Sool oo kula bahoobay Maamulaka cusub Goboladii laysku oran jiray Waqooyi Bari.
Shirkaas waxaa ka soo baxay bartamihii 1998, Dowlad Goboleedka Puntland, taasoo leh sadexda awoodood oo kala ah, Golaha Wakiilada oo dhan 66 Xilibaan oo lab iyo dhedigba leh, Garsoorka , iyo Golaha Xukuumada oo leh Madaxwayne iyo madaxwayne ku-xigeen.
Sida uu qeexayo Xeerka 1aad,. ee axdiga ku meel-gaarka ah ee lagu dhisay Puntland.
Hadaba 18sano kadib Maxa u qabsoomey Puntland.


Madaxweyne Cabdi weli Maxamed Cali ”Gaas” waxaa u qabtey xilka madaweynaha Puntland 8-1-2014 hadaba hadan is yara xasuusino khudbadi uu ka jidiyey Madaxweyne ”Gaas” inuu musharaxa ahaa Barlaamanka Puntland
Qodobadii madaxweyne Gaas ka hor-jeediyey 2014 Barlaamanka Puntaland.
”Puntland kama jirto dowladnimo tabad qadey,Puntland kama jirto dowlad u damqata dadkeeda iyo mid u adegta dadkeeda kama jirto dowlad daboosha bahida dadkeeda puntlandse kama jirto dowlad ku shaqeysa rabitaanka dadkeeda Puntland uma bahna cid ku far barata oo ku feegarta wad la socotaan heerka uu garey dilalka loo geysto aqoon yahanada iyo siyaasinta waxana la joga xiligi la joojin lahaa” waxa sida yiri madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas”
madaxweynaha ayaan so hadal qadey waqtiga Sool Sanaag iyo Cayn wuxuuna yiri” dhulka maqaan waa bog ku taala qof kasta oo Puntland ah sool sanaag iyo cayn fataxo laguma qabsan fataxa laguma so celin doono”
dhanka kale madaxweynaha ayaa xiliga so hadal qadey inuu dhisi doono ciidamo xaqiinjin doona Amniga Puntland iyagoona si jogta ah loo sin doona musharkooda lana tayeen doono.
hadaba sida la socono dhawan sanadihii ugu danbeyey waxaa Puntland kuso noq-noqonayey ciidamo gadoodsan oo qabsanayey xarumaha dowlada sida Bangiiga dowlada wasarada Maliyada iyo kantaroolada Magalada Garoowe, waxaan oraan karna Madaxweyne Gaas waa ka gabiyey qodobki ahaa ciidamada Puntland musharkooda wan siinayna.
Sido kale waxaa uu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali sheegay Puntand ineysan ka jirin Dowlad dadkeeda u damqata lakiin hada uu xilka hayo Madaxweyne Gaas uu ka bixi wayey safaro jogta iyadoo dalka ka jirto Abaaro xun oo meel halis ah gartey,Puntland ayaa sanadihii ugu danbeysay noqotey mid amnigu faraha ka baxey iyadoona haldoorka ummada lagu layey Magalooyinka Bosaaso,iyo Galkacyo, guud ahaan puntland ayaa ku fashilmatey ujedadi loo as aasey.
QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN!!
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” ayaa ahaa ninka ama Musharaxa ugu qudbada wanagsana Shacabka reer Puntlandna waxay ka qabin raajo wanagsan si kastaba ha ahaate raajoyinki Gaas laga qabey waxay iskugu so biyo shubatey QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN!!.
Gaas iyo reer Puntland yaw Garnaqi doona?
Gabaygan waxaan tiriyey Abwaan Cusmaan Keynadiid waxaa unaa ka hadlaya xalada dhabta ah ee hada ay Puntland ku sugan tahay.

Ninkii goomaan jirey haddii guule wax u dhiibo
Gadaal wax uma fiirshoo hawaa geysa meel daran
Cidna uma gargaaroo faqruu gocan abiidkiise
Gacalada tolkiyo dabakannaax yaw garnaqi doona?

Warbaahinta Puntland.
Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marku ahaa Musharax sheegay in warbaahinta Puntland ay xor tahay dhaliili kartana Dowladiisa amaani kartana,Balse Dowladi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa noqotey dowladi ugu tacadiga badna intii dowlada so martey Puntland waxaa sanad guudaheeda warbaahinta lagula kacay tacadiyo ka dhan ah oo ka hor imaneysa hananka dowladnimo iyo dastuurka dalka u yaala,Iyadoona si sharci daro ah lagu xirey Idacada daljir xirneedna muddo 4 isbuuc ah kadibna sii sharci daro ah loo sidayey sido kale waxaa iyagana si sharci daro ah loo xirey Weriyaal loona sidayey si sharci daro ah.
”waxaan maqli jirey Hal xaraan ah nirig xalal ah ma dhaasho” hadey Dowlada hada jirta ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu hogaamiyo ay ka deen wayaan Saxafada Tacdiga waxay noqon dowladiisa Hashi xaranta ahayd.

Gabay saxafada dhibatada lagu hayo ka hadlaya.

Dawladaa amaantuun rabtiyo, aayo inay gaadho

Arxanna aan u gelahayn, kuwii aadka ugu xiiqay

Ee ololii wacadkay mareen, oofin kari waayay

Ee ubadki soo wada halgamay, aad yar lagu laayay

*****

Saxafadan afkii laga xidhay, laga ilroonaaday

Ee kii eray yidhaahaba, dadkii la aamusiinaayo

Ee ooridii dumar xidhaye,badaya eedaadka.
Isimada Puntland oo sii kala irdhoobay.

Sanadihii ugu danbeysay waxaa Puntland ku soo badanayey khilaafyo hareeyey Ismada Puntland kadib markii,Boqorka Beesha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa 13 May ku dhawaaqay shirweyne guud oo ay isugu iman doonaan duubabka dhaqanka geeska Afrika, Kaas oo sida uu iclaamiyey ka furmi doona Magaalada Qardho 21 May.
Sido kale 15 July, 2016 ayey aheyd marki raxan isimada Puntland ah ayaa iskugu yimaaden Magalada Garoowe ee Casumada Garoowe iyagoona kulankooda ugu horyimi shirki oday dhaqameedka Soomaaliya oo uu Boqor Burhaan Boqor Muuse uu ku qabtey Magalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Isimada Shirka iskugu yimiIslaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Maxamuud, Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, Boqor Cabdulaahi Axmed Cali iyo Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa ka mid aha 19 Isim oo ku saxiixnaa qodobada ka soo baxay shirkii Garoowe.
Taasna waay niyaad jab wey ku noqotey Shacabka weynaha reer Puntland sababto ah Isimada Puntland iyaga ayaa Puntland Asaasay.
Gabaygi ka hadlaya is haynta Isimada Puntland.
Guddi belo gar wada leexsan iyo xaal aan go’a haynnin
Odayaal guurguurana hayoo goor xun soconaaya
Isimada reer Puntland iyo hogaminta yaw garnaqi doona?

W/Q  Weriye Sharmaarke Cabdulqaadir Jaamac

Gmail. Sharmaayare2016@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

muuqaalada

kasamayso1-300x167