CONTACT US

DEG DEG-Dowladda Kenya oo war ka soo saartay xiriirka ay laleedahay Farmaajo, khilaafka soo kordhay iyo go’aan..

Dowladda Kenya ayaa beenisay Warar soo baxayay maalmihi lasoo dhaafay oo ku saabsanaa in khilaaf  diblumaasiyadeed  uu soo kala dhex galay Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la hubsado Wararka la sheegaayo ,isla markaana xiriirka ka dhaxeeya labadal uu wanaagsan yahay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Booqashada Madaxweyne Kenya uu ku tagay Dhoobley  ay tahay mid Caadi ah ,islamarkaana Madaxweynaha uu awood u leeyahay in uu booqdo Ciidankiisa.

Afhayeenka Madaxtooyadda Dalka Kenya, Manoah Esipisu ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo Booqasho rasmi ah uu ku imaan doono dalka Kenya.

”  Wax dhibaato ah uma keenayso xiriirka labadal hadii uu booqday Madaxweynaha Kenya Xerada Ciidankeeno Joogaan waana arin iska caadi ah” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

kasamayso1-300x167