CONTACT US

WAR DEG-DEG AH: Agaasimihii la dagalaanka burcadbadeeeda Puntland oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyay, soona bandhigay dagaal dhexmaray isaga iyo madaxweyne Gaas.

Agaasimihi la-dagaallanka Burcad-badeedda Dowladda Puntland Cabdirisaaq Maxammed Axmed(Ducaysane)oo  xalay xilkii looga qaaday digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ahaaa Agaasimaha la-dagaallanka burcad-badeedda uu dadaal dheer u galay sidii dalka looga dabar jari lahaa Burcad.

balse intii uu xilka qabtay madaxweyne Cabdiweli Gaas wuxuu sheegay inuu shaqadiisii soo faro-gashatay xukuumaddu, iyadoo xafiiskii uu ku shaqaynayey albaabada loo laabay,sidoo kalena mushahaarkii laga goostay.

Markii ay ugu darnayd Burcad-baddeedu ayuu sheegay in uu Garoowe ku casumay ninkii la taliyaha sharciga u ahaa Panki mon,kaasi caalamka u bandhigay xaaladda Puntland ka jirta,iyadoo wixii antaa ka dambeeyey caalamku si toos ah xiriir ula yeeshay Puntland xiriirkaasi oo suurta-geliyey in la cirib-tiro Burcad-badeedda.

Mar uu ka hadlayey doorkii uu ka qaatay siidaynta dhalinyarada Somaliyeed ee Caalamka daafihiisa ku xiran ayuu yiri”Dhalinyaro badan oo Burcadnimo loo haystay ayaa caalamka xabsiyo ku yaalla ka soo saaray,waxaan ka keenay Seycheles,Kenya,Maldives iyo meelo kale,waxaana weli u qareemayey oo hadda waraaqahoodii I  horyaallaan kuwo ku xiran Iraan iyo kuwo ku xiran Hindiya”.

Ducaysane ayaa dhanka kale ka hadlay maraakiibta iyo doomaha Jariif ka ah ee xukuumadda cabdiweli cali(Gaas) sharciga beenta ah siisay si ay u xaalufiyaan khayraadka Ebbe ku manaystay badda,islamarkaana xukuumadda Gaas ay samaysay xeelad si ay u sharciyeyso boobka lagu hayo xeebaha Somaliya”Waxaan hayaa document saabsan maraakiib kooriyaan ah afar ah oo ku jira baddeena,kuwaasi oo loo sameeyay magacyo Somali ah oo aan hadda idiin sheegi karo haddaad u baahan tihiin si aan loo soo qaban” Ducaysane.

Maraakiibta Kooriyaan ka ah ayaa mid kamid ah,wuxuu dhowaan burburiyey 6 doomood oo ay lahayeen kalluumaysato ka soojeeda gobolka Gardafuu,taasi oo sababtay in kalluumaysatadii doomahaasi lahaa ay markab soo qafaashaan,inkastoo markii dambe odayaasha dhaqanka gobolku ku qanciyeen in ay siidaayaan,maadaama uu ahaa mid ganacsi  ah.

Ducaysane wuxuu kale oo ka hadlay xilka qaadista la sheegay in uu ku sameeyey Cabdiweli Gaas,wuxuuna ku tilmaamay mid dastuurka Puntland baal marsan,maadaama Madaxweyne ku xigeenku yahay kusime,markii madaxweynuhu maqanyahay,islamarkaana laga dulbooday oo warqaddu ay Gaas oo dalka ka maqan ka timid.

Ugu dambayntii Xil ka qaadista Gaas sheegay in uu ku sameeyay Ducaysane ayaa fursadweyn siinaysa Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntand oo jariifka badda Puntland lagu hayo ka macaashay,sidoo kalena share-la ahaan jiray Burcad-badeeddii hore ee Somalida.

 

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Runsheeg says:

    Kkkk
    Hadan markii uu xilkahayey muxuu uhadali wayey
    Ciise riyoole faroole ayaa mesha ku siiyey miya adeer waa lais badali qof a meshan malaha c wali gaas asaga. naftiisa wa labadalaya

  2. Mr awbarakaale says:

    Kkkk maxaa uu sheegi wayday marnhore.mid kale waa qaaladnin xikaa laga qadobisago madaxwaynihii maqan yahay yaa ka qaaday agaasimahaa xilka?




.

kasamayso1-300x167