War deg deg ah-Madaxweynaha Soomaaliya oo xilkii si rasmi ah uga qaaday…

Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka laga qaaday.

Xil ka qaadistan ayaa timid, kaddib markii uu amar ku bixiyay Madaxweyne Farmaajo in la bedelo Shador Xaaji, iyadoo lagu bedelay Agaasime cusub.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxweynaha ayaa loo magacaabay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah nin dhalinyaro ah, kana mid ahaa raggii qeybta weyn ka qaatay ololihiisa dhinaca warbaahinta iyo mida baraha bulshada.

Shador xaaji oo ah nin dhalinyaro oo fir fircoon ayaa lagu wadaa in loo bedelo qeyb kale oo ka mid ah Hey’adaha dowladda, maadaama sharciga shaqaalaha rayidka dowladda uu dhigayo qofka marka xil laga qaado ama Waax laga bedelo loo wareejiyo waax kale.

Sidoo kale is bedel ayaa lagu sameeyay qeybta Warfaafinta Madaxtooyada, kaddib markii uu ka shakiyay Madaxweyne Farmaajo xubnihii ka shaqeynayay qeybtan muhiimka u ah.

Madaxtooyada ayaa wali waxaa ka socota kala shaandheynta xilalka iyo baal-siibka lagu haayo xubnihii horay ula soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Villa Somalia ayaa wali ku jirta xaalad kala guur ah iyo xilal kala bedel, iyadoo dhowaan lagu wado in Agaasime Guud oo rasmi ah loo magacaabo Madaxtooyada, iyadoo Agaasimaha xilligan ee KMG ah Cali Fiqi uu ka mid noqon doono Wasiirada cusub.

Madaxweyne Farmaajo oo markii ololihii doorashada uu ku guda jiray ay la soo shaqeeyeen Koox badan ayaa la filayaa in kooxdiisa in laga shaqaaleysiiyo Madaxtooyada.

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.

.