War deg deg ah oo hadda Garoowe naga soo gaarey iyo shir lama filaan ah oo berri ka furmaya xilli dalka abaar loogu dhimanayo.

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maanta lagu soodhoweeyey hogaamiyayaasha ururada dhalinyarada maamul gooboleedyada kajira Soomaaliya.

Gudoomiyayaasha lasoo dhoweeyey ayaa ka qaybgeli doona shir soconaya saddex maalmood oo ay isugu imanayaan in kabadan 300 oo ah dhalinyaro laga kala keenay gobolada Puntland.

Shirkaan oo dhaqaale badan ku baxayo ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dalka abaar ba’ani kajidho, waxaana dalladda dhalinyarada Puntland ee PYAN ay awoodi wayday in dhaqaalaha ku baxaya ay u leexiso gurmadka abaaraha.

La soco goordhow warbixin.

Post Comment