CONTACT US

Breaking news-Mid kamid ah nabadoonadii doortay ergooyinkii doorashada dadban oo caawa lagu khaarajiyeye..

Waxaa caawa lagu dilay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan nabadoon caan ah oo ka tirsanaa waxgaradka gobolkaas.

Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow oo ah marxuumka la dilay ayaa waxaa rasaas ku furay kooxo bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday, Marxuumka ayaa isla goobta ku geeriyooday, iyadoo kooxihii dilka u geystayna ay baxsadeen sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow ayaa ka mid ahaa ergooyinkii sanadki hore magaalada Jowhar ku doortay xildhibaanada baarlamanka Somalia ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Ciidamada amaanka maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaaray xaafada H/wadaag ee magaalada B/weyne oo dilkan uu ka dhacay, iyagoo bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




muuqaalada

kasamayso1-300x167